Qadar oo markale muujisay miisaanka & saamaynta siyaasadeed ee ay ku leedahay Bariga Dhexe & caalamka (Maxay samaysay?)

0
Qatari Foreign Minister Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al-Thani in Doha is seen during his meeting with Turkish Foreign Minister Mevlut Cavusoglu in Doha, Qatar November 1, 2018. REUTERS/Naseem Zeitoon - RC143AB93710

(Hadalsame) 13 Jan 2020 – Dalka yar ee Qatar la yiraahdo ee ku yaalla Galbeedka Aasiya kana mid ah dalalka Bariga dhexe isku ah, waxa uu ka mid yahay dowladaha siyaasad iyo diblumaasiyad ahaan dunida ugu xoogga badan xitaa Maraykan dhankaa ayeey kaga horreysaa ayaa la oran karaa, dowlado kala u jeeddo ah, isku cadow ah ayeey si diblumaasiyad ah isugu haysaa, sida Israa’iil, Iiraan, Ruushka, Turkiga iyo kuwa galbeedka oo Maraykanku hor boodayo.

Kama marna kooxaha xagiriinta ah oo ay saaxiib la tahay, sida Taalibaan iyo kuwa kale. Waa tan ku guuleysatay in ay si ka fool ka fool ah u wada hadalsiiso Maraykanka iyo kooxda Taalibaan oo uu muddo ku garaacayey gudaha Afqaanistaan, kol hore waa iyadii dalalka Carabta kale ee Sucuudigu horkacayo cunaqabatayn saareen ama go’doonsheen.

Taasi waxba uma dhibin oo waa ay ka guuleysatay, aakhirkiina waaba tii Sucuudigu ku baaqay in uu diyaar u yahay xiriir wanaag ku dhisan iskaashi, isagoo u yeeray boqorka dalkaas si arrinkaasi u suuragalo.

Waa ta keliya ee Maraykanku arrimaha masiiriga ah ee Bariga dhexe ka talo geliyo weliba si wayn, kolkii la dilay Generalkii Eeraan ee Qaasim Sulaymaani, waa tii uu tegay dalkaasi wasiirka arrimaha dibadda Qatar ahna RW kuxigeen, Ahmad bin Abdullah Al Mahmoud, si bal xaaladda labada dhinac loo dejiyo.

Iminka waxaa dalkaas Iiraan booqday Amiir Tamim bin Hamad Al Thani, halkaasi oo si heer sare ah uu ugu soo dhaweeyey Madaxwayne Xasan Rooxaani, ka dib markii Madaxtooyada loo galbiyey, waxa uu kulan la qaatay Khumayniga hoggaanka guud ka ah dalkaas iyo Madaxwayne Rooxaaniba.

Arrinta ugu culus ee wadahadalkooduna waxa u ahaa, bal in si uun loo dhigo xaaladda cakiran ee iyaga iyo galbeedka dhextaal.

Waxaa Qoray: Cabdicasiis Axmed Barrow

Hadalsame Media