”Deni wuxuu Puntland kusoo kordhiyey qorista warqado ay horay ugu daashey Somaliland!” (Arag warqaddan yaabka badan)

0

(Hadalsame) 13 Jan 2020 – Lama yaabin in Madaxweyne Dani uu Puntland ku soo kordhiyey dhaqanka ah “Aan ku daarano dhacdooyinka Dowladaha Caalamka, inagoo muujinayna Madaxbannaani” waxaana hambalyo loo diray sanad guuradii Imaaraatka, maantana tacsi caalami ah ayaa looga diray Xafiiskiisa geerida Boqorka Cumaan.

Qosolka iyo lyaabku waa markii aad akhrisid bayaanka tacsida Boqorka Cumaan oo si ka arradan baratakoolka lagu yiri “Cumaan xiriir taariikhi ah baa ina ka dhaxeeya oo “Qabiillo” xaga iyo xagaas kala daga baa ina ka dhaxaysa.”

Dhowrka qof ee qorshahan wata oo u muuqda in ay baxsad kaga jiraan walaalahooda iyo dalkooda Soomaaliyeed ma waxay la tahay in Carabtu ka akhrisanayso “innagaa ilma adeer ah.”

Deni halloo sheego in Somaliland waraaqaha noocaan ah ay qoraysay 30-kii sano ee la soo dhaafay ay Computer-ada ka buuxiyeen, dal Caalamka ah oo kala furay warqadahaasna in aanu jirin.

2020-ka shaksiyaad faro ku tiris ah ayaa raba in bulshada Puntland ay hadda iyo kow soo saaraan tareenka “ila meerayso”.

Waxaa Qoray: Maxamuud Bashiir Jaamac

Hadalsame Media