Xildhibaannada cusub ee Galmudug oo kulankii koowaad yeeshay & diyaar-garowga doorashada Guddoonka Baarlamanka oo socota

0

(Dhuusamareeb) 12 Jan 2020 – Xildhibaanada Cusub ee Galmudug ayaa bilaaway diyaargarowga Doorashada Gudoonka Barlamaanka Galmudug ayadoo lagu wado in ay  yeeshaan kulankoodii kowaad oo ay uga arinsanayaan Doorashada Gudoonkooda, sida ay sheegtay warbaahinta DF.

Xildhibaanada Galmudug ayaa la dhaaray shalay galinkii danbe ayagaa dhaarinta kaddib yeeshay kulan ay ku dooranayeen Gudoomiye kumeel gaar ah oo ay u doorteen ninka ugu da’da weyn xildhibaanada Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug ayaa sidoo kale ka arinsanaya Shuruudaha iyo waxyaabaha looga baahanyahay Musharixiinta u taagan Qabashada Gudoonka Barlamaanka Galmudug , waxa ay iska soo dhax xuli doonaan Guddiga Doorashada Gudoonka Barlamaanka Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug ayaa waxaa horyaalo shaqooyin adag iyo soo doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo Waliba Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Hadalsame Media