Garsoorka Puntland oo markii ugu horreeysey ka hadlay waxa ku dheggan fulinta xukunkii lagu ridey raggii diley Caa’isha Yar

0

(Garoowe) 12 Jan 2020 – Maxkamada sare ee maamulka Puntland, ayaa soo hadal qaadday halka uu iminka marayo fulinta xukunkii dilka ahaa ee lagu riday ilaa 3 nin oo lagu helay inay ka dambeeyeen kufsigii iyo dilkii aadka caniifka u ahaa ee loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan (Caa’isha Yar).

Gabadhan 00 13-jir ahayd ayaa dhibkaa loogu gaystey magaalada Gaalkacyo ee caasimadda Gobolka Mudug.

Guddoomiye Xigeenka Maxkamada Sare ee maamulkaasi, Nuur Ciise Maxamed, ayaa warbaahinta maxalliga ah la wadaagey in kiiskaa fulintiisa uu u xayiran yahay qoyska Caa’isha Ilyaas oo uu sheegay in laga sugayo inay maxkamada u soo gudbiyaan in sida uu yiri loosoo qisaaso raggaasi iyo in kale.

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay in Maxkamaddu ay diiddey wax dib u eegis ah in lagu sameeyo go’aanka ay kiiska ka gaartey, oo ay 3-da maxkmadood ee madaniga ah dhamaan isku raaceen in la dilo dambiilayaasha.

Ninkan ayaa sidoo kale sheegay inuu jiro qoraal xeer oo kasoo baxay Xeer-ilaalinta bishii Nofeembar ee sanadkii tegey ee 2019-kii, kaasoo lagu codsanayay in Maxkamaddu ay muddayso xilliga xukunka la fulinayo, yeelkeede, uu qoraalkaasi qabyo ahaa, balse ma sheegin waxa ka maqnaa waxa ay yihiin.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan laftiisu sheegay in fulinta kiiska Caai’sha laga sugayo sida ay uu yiri ”hay’addaha garsoor ee maamulka Puntland, xilli la hor dhigay su’aal ku saabsan waxa ku dheggan fulinta xukunkan.

Dad badan ayaa qaba in kiiskan si ku tala gal ah loo lug jiidayo, iyagoo ku doodaya inaysan nimanka sidaa wax u diley aysan xitaa ahayn nooca istaahila cafiska, maadaama ay bulshada halis ku yihiin.

Hadalsame Media

Facebook Comments