Dowladda UK oo digniin kasoo saartay weerarro ka dhaca Kenya (Masaafadee xadka u jirsan karaan?)

0

(London) 12 Jan 2020 – Dowladda Britain ayaa soo saartay digniin muujinaysa walaac amni oo cusub, kaasoo loogu tala galay muwaadiniinteeda tegaya dalka Kenya oo lagu tirtirsiiyay inay taxaddaraan.

UK ayaa muwaadiniinteeda ku sugan waddanka Kenya u sheegtay inaysan marna u dhowaanin xadka ka dhexeeya wadamada Kenya iyo Somalia, kaasoo loo sheegay inaysan u dhaafin masaafo dhan 60KM, halka dhanka gobolka Xeebta ay u jirsanayaan ilaa 15 KM.

UK ayaa sheegtay inay dhici karaan weerarro halis ah oo halkaa laga qorshaynayo iyo afduubyo lagula kacayo dadka ajnabiga ah oo ka dhaca gudaha Kenya, gaar ahaan mandiqadaha dhankaa xiga.

Walaaca UK ayaa kusoo beegmaya jeer ay weerarro ka dheceen gudaha Kenya, kuwaasoo ay sheegatay kooxda Al Shabaab.

Midkood waxaa lagu qaaday saldhig ay wada deganaayeen Ciidamada Badda Maraykanka iyo Kenya, kaasoo ku yaalla Lamu, dhanka Gacanka Mandha Bay.

Britain oo horay u gumaysan jirtey dalka Kenya, ayaa ka digtoon inay bartilmaameed u noqoto weerarro kharbudaad ah oo ay kooxdani muwaadiniinteeda ku qaaddo.

Dowladaha Galbeedka oo badiyaa soo saara digniino noocan oo kale ah ayaa lagu eedeeyaa inay siyaasad ahaan u adeegsadaan digniinahan iyo inay amaanka kusii khalkhaliyaan si ula kac ah.

Hadalsame Media