WAR CUSUB: Maraykanka oo isku dayey inuu khaarajiyo taliye kale oo Iiraani ah

0

(Sanca) 11 Jan 2020 – Ciidamada Maraykanka ayaa la sheegay in ay isku dayeen inay dilaan taliye kale oo Iiraani ah oo Yaman ku sugnaa, kaddib markii ay khaarajiyeen Taliyihii Qudus ee Qassem Soleimani oo lagu diley Ciraaq taasoo xiisad ba’an kicisay, sida ay sheegtay AP.

Lama helin magaca Taliyaha sare ee ay Maraykanku ku dili rabeen dalka Yaman, balse waxay muujinaysaa dhiirranaanta iyo qar iska tuurka siyaasadda Donald Trump oo lagu tilmaamay nin aan ka fikirin waxa uu samaynayo.

Iiraan ayaa xaaladda dejisey kaddib markii ay gantaallo baalistig ah ku garaacday 2 saldhig oo uu Maraykanku ku leeyahay dalka Ciraaq, kuwaasoo waloow ay markii hore sheegteen inay ku dileen 80 askari, ay Maraykanku caddeeyeen inaan hal qofna kala dhaawacmin.

Hadalsame Media