Somalia oo qarka u saaran inay COD ku yeelan waydo QM (Akhri sababta)

0
Security Council Considers Situation in Somalia

(New York, NY) 11 Jan 2020 – Dalka Somalia iyo 7 dal oo kale ayaa waayi kari doona codka ay ku lahaayeen Qaramada Midoobay, iyadoo ay taa ugu wacan tahay bixin la’aanta qaaraanka laga qaado dalalka xubnaha ka ah Golaha QM.

Stephane Dujarric oo u hadlay QM, ayaa ayaa xaqiijiyey inay dalalkani aad ula daaheen qaaraankii xubinnomo ee lagu lahaa, sidaa darteed ay taasi meesha ka saarayso xuquuqdoodii codayneed, haddii aanay deg deg u bixin haatan.

Dalalka aan codayn kari doonin ayaa waxaa ka mid ah Somalia, Venezuela, Lebanon, Sao Tome and Principe, Comoros, Gambia, Lesotho, Tonga iyo Yaman, sida ku cad Xeerka 19-aad oo dhigaya in dal kasta qaaraanka laga sugayo ugu badnaan 2 sanadood, marka laga soo tago inuu dalku keeno cudur daar laga garaabi karo oo sharraxaya sababaha uu u bixin waayay.

Somali oo ka mid ah dalalka lagu dheggan yahay ayaa waxaa la degey dagaallo sokeeye, musuq iyo maamul xumo baahsan.

20 dal oo ka mid ah 193 waddan oo u diiwaan gashan QM ayaa ku qaaraama 83.78% lacagaha ay ku shaqayso QM, taasoo ka dhigan in 173 dal ee soo haray ay bixiyaan 16.22% oo qura, taasoo qaarkood laga la’yahay.

Hadalsame Media