Saxaafad caalami ah oo wax ka qortay Xiddiga Sanadka 2019 ee Somalia

0

(Greenville) 11 Jan 2020 – Laacibka Soomaaliyeed ee khadka dhexe uga dheela kooxda Greenville Triumph ee Omar Mohamed ayaa soo dhowayn diirran dalkiisa Somalia kala kulmay horraantii bishan, sida lagu qoray Greenville Journal.

Laacibkan ayaa loo magacaabay xiddigga sanadka ee Somalia 2019 iyadoo abaalmarintaas uu 3-dii Jannaayo siiyey Xiriirka Kubadda Cagta (SFF).

“Wax wayn bay aniga iyo qoyskayga uga dhigan tahay helitaanka aqoonsigan caalamiga ah,” ayuu yiri Mohamed oo la hadlay Greenville Journal.

Maxamed ayaa aqoonsigan ku mutaystay kaddib markii uu xulka Somalia ku meteley ciyaar laba lugood ahayd oo ka tirsanayd isreeb-reebka KA2022 bishii Sebtembar oo uu gool ka dhaliyey Zimbabwe iyo goolkii qurxoonaa ee uu ka dhaliyay xulka Burundi ee tartanka 2019 CECAFA Senior Challenge Cup.

Maxamed ayaa dib ugu laabanaya Greenville, USA, fasal ciyaareedka 2020, kaasoo furmaya Maarso 27, isagoo wajahaya kooxda Chattanooga Red Wolves oo ku dheesha Legacy Early College Field oo ka tirsan Woodside Avenue, Greenville.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments