SAWIRRO: Iiraan oo xabsiga dhigtay Danjiraha UK ee Tehraan & Britain oo caro la qaacayso (Danjiraha oo ku dhaqaaqay tillaabo halis ah)

0

(Tehraan) 11 Jan 2020 – Wasaarad Dibadeedka Britain ayaa aad uga carootey wax ay ku sheegtay ”ku tumshada Xeerka Caalamiga ah”, kaddib markii xabsiga la dhigey Danjirikii UK ee dalka Iiraan, intii ay socdeen dibed baxyo ka dhacaya Tehraan.

Danjire Rob Macaire ayaa goobjoog u ahaa dibed baxyo ka dhan ah Hoggaanka Ruuxiga ah ee Ayatollah Khamenei oo ka dhacay bannaanka Jaamacadda Tehran ee Amir Kabir University.

Danjiraha ayaa xariggiisa loo cuskaday inuu ”abaabulayey tillaabooyin daandaansi ah oo xag-jirnimo ah” sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah.

Kumannaan reer Iiraan ah ayaa dibed baxyo iskugu soo baxay kaddib markii ay Dowladdu qiratay inay iyadu soo riddey dayuuraddii reer Ukraine ee ay dadku ku baaba’een, iyadoo ku dhufatay mid ka mid ah gantaalihii ay ugu aaraysey Qasem Soleimani.

Mr Macaire, oo ah diblomaasi leh waaya aragnimo 30 sano ah, ayaa la sii daayey haatan kaddib markii uu xirnaa saacad ka badan.

Wasiirka Dibedda UK, Dominic Raab oo war aad u adag kasoo saaray tillaabada Iiraan ayaa wuxuu dalkaa ugu baaqay inay kala doortaan inay noqdaan dowlad la rajiimiyo iyo inay ”dejiyaan xiisadda kala dhexeeysa Galbeedka.”

 

Hadalsame Media