Kooxda Daacish oo markii ugu horreeysey FARXAD ka muujisay tillaaboo uu Maraykanku qaaday! (Tuhun jirey oo soo noqday)

0

(Hadalsame) 11 Jan 2020 – Kooxda argagixisada ah ee Daacish ayaa muujisay inay aad ugu faraxsan tahay khaarajintii Maraykanka ee Sarreeye Guud Qassem Soleimani, kaasoo gantaal daroon laga ganay lala helay 3-dii Jannaayo.

Kooxdan oo mar xukumi jirtey dhul aad u ballaaran oo ka kala tirsan Syria iyo Iraq.

Warqaadka Todobaadlaha ah ee kooxda Daacish ee Al-Naba ayaa geerida Soleimani ku tilmaamay taageero iyaga iyo Muslimiinta uga timid ”xag Alle”, sida lagu sheegay BBC Monitoring.

Warqaadka oo isku dayey inuu iska ilaaliyo inuu Maraykanka ku amaano tillaabadaas amaba uu xitaa xuso magaca Soleimani ayaa wax badan ka hadlay hardankii “Roman-kii iyo Persian-kii hore” oo Muslimiintii casrigaas u sahley inay wada qabsadaan Beershiyadii hore – Iiraan – iy qaybo badan oo ka mid ah Barigii Boqortooyadii Roman-ka, oo sidoo kale la oran jirey Byzantium.

Wargayska ayaa sidoo kale sheegay in hakadka howlgallada ka dhanka ah Daacish ee Maraykanka iyo xulufadiisu ay u saamaxayso inay mar kale is urursadaan, sida uu sheegay weriye BBC ka tirsan, Mina Al-Lami.

Dad badan ayaa aaminsan in reer Galbeedku, gaar ahaan Maraykanku aanu runtii doonaynin inuu kooxahan xag-jirka ah ka takhalluso, balse uu u adeegsanayo qaab uu ku koontoroollo ama saamayn khasab ah ugu yeesho dunida Muslimka, isagoo qiil ka dhiganaya la dagaallanka kooxahan.

Hadalsame Media