DEG DEG: Cumaan oo dooratay ninkii bedeli lahaa Suldaan Qaabuus oo geeriyoodey

0

(Musqat) 11 Jan 2020 – Hoggaamiyihii nus qarniga maamullayay dalka Cumaan, Suldaan Qaabuus Bin Saciid ayaa xalay geeriyooday isagoo 79 sanno jir ah, kaddib muddo uu la noolaa cudurka kansarka.

Waxaa lagu xasuusanaya Suldanka Cumaan ee 50 sanno xukunka hayay inuu ahaa hoggaamiyihii ugu waqtiga dheera bariga dhexe. Aabbihii ayuu afgembi kala wareegay hoggaanka dalkaa sannadkii 1970-kii isaga oo taageero ka helayay Britain.

Wuxuu ka dhintay dal uu ku hoggaamiyay horumar iyo bulsho qani ah oo uu noloshooda hagaajiyey. Ma jirto awlaad uu dhalay Suldaanka, sidoo kale wax walaal ah lama dhalan.

Ninka ay ilmo adeerka yihiin ee Haitham bin Tariq Al Said oo horay loogu saadaalinayay xukunka inuu la wareego ayaa haatan xilkaa loo dhaariyey isagoo haatan dadka dalkaasi u khudbaynaya.

Haitham bin Tariq, ayaa ballan qaaday inuu halkiisa kasii amba qaadi doono horumarka reer Cumaan, ka qayb qaadashada xallinta khilaafaadka gobolka, Jaamacadda Carabta iyo caalamkaba.

Tariq ayaa xilka ula wareegey qaab aad u abaabulan oo loosoo agaasimey qaab ay ka muuqato hab-raac ku dhisaalan waayo aragnimo guun ah.

W; D: Iimaan Jaamac & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media