Soomaalidu sida ay uga dhiidhiyeen dilka Sulaymaani & geela Australia ku dhimanaya danahooda ma u dhugtaan?!

0

(Hadalsame) 09 Jan 2020 – Geela Australia mise Gudmaadka dadkeena? Bulshadeena Soomaaliyeed in wax weyni ka qaldan yihiin waxaa calaamad u ah doodda ku saabsan geela Australia lagu laynaayo.

Doodda geela la laynaayo ayaa aad uga badan midda ku saabsan gumaadka haldoorka Soomaaliyeed. Geelu waa xayawaan miskiin ah oo faaìido badan leh, waana qalad in la laayaa. Balse inaga dadkeenii baa dhimanaya. Geeri xayawaan iyo tan dadka, midee mudan in laga doodo?

Usbuucii hore waxaa inta badan Soomaalidu ka doodayeen dilkii Jeneraalkii Shiicada Iiraan ahaa, Jen. Suleimani.

Dad badan baa niyad xumaa, oo qoraallo badan ka sameeyey. Si kasta oo ay u xumayd qaabka loo diley haddana bulsho walba teedaa cuslaysa.

Su’aalaha la isweydiin karo waxaa ka mid ah: Dowlada Iiraan oo awood badan leh, maxay ina tartay 30-kii sano ee aan dhibka iyo burburka ku sugnayn? Shacabka reer Iiraan ma ogyihiin gumaadka shacabka Soomaaliyeed maalin walba haysta iyo haldoorka dhinta? Miyay uga doodaan dhibkeenna siddii aan uga dhiidhiney dilkii xumaa ee Jeneraal Suleimani?

Suàalahaa jawaabtooda waxaan u daayey asxaabta sharafta mudan ee degelkeyga ku xiran.
Ugu horeyn bulshada Soomaaliyeed waa iney iyadu isu naxdaa, isu naxariisataa, dulmiga iska deysaa, shacabkeeda ka fekertaa, dalka ilaalinaa.Dowladnimo u halganaa.

Markaas ka dib aynu adduunka kale eegnaa. Tiisa daryeelaa mid kale ku dara.

Waxaa Diyaariyay: Macallin Cabdirisaaq Xuseen

Hadalsame Media