Ciidamada Kenya oo qabtay nin Soomaali ah oo sameeyay arrin tuhun dhalisay!

0

(Nairobi) 07 Jan 2020 – Ciidamada dabagalka Kenya ayaa shalay xabsiga dhigay nin Somali-Canadian oo la lagy qabtay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi.

Ninkan Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Cabdinaasir Cabdulle, ayaa la qabtay jeer la sheegay inuu ‘basaasayay’ saldhig ay leeyiihiin Ciidamada KDF kuwooda Cirka oo ku yaalla Eastleigh.

Booliiska ayaa sheegay inay qish hoose ka heleen dadka degaanka oo ninkan ka shakiyey, kaddib markii sida la yiri la arkay isagoo “meeraysanaya hareeraha saldhigga”, isla markaana sawirro ka qaadaya saldhigga.

Sarkaalkii heeganka lahaa ayaa deeto ciidamo u diray ninka iyagoo orod ku tegey Joster Supermarket oo ay ninka uga hor mareen, isla markii uu yimidna waa qabteen.

Ninka oo sitey telefoon iPhone ah ayaa markiiba lagala wareegey waxaana laga helay sawirrada xerada ciidan oo ku taalla agagaarka Eastleigh kuwaasoo lasoo bandhigi doono marka maxkamadda la keeno.

Eedaysanaha oo aan caddaymo intaa dhaafsiisan lagu haynin, horayna aan u ahayn qof ay il gaar ah u leeyihiin ciidamada amaanka ayaa waxaa haatan gacanta ku haya Booliiska la Dagaallanka Argagixisada ee Anti-Terror Police Unit (ATPU), kuwaasoo samayn doona baaritaanno dheeraad ah.

Shilkan ayaa imanaya jeer ay heegan sare ku jiraan hay’aadka amaan ee Kenya, kaddib weerarkii Axaddii lagu qaaday Gacanka Manda Bay ee Lamu halkaasoo lagu diley 3 qof oo Maraykan ah.

Hadalsame Media