Danjiraha Imaaraadka Carabta oo Muqdisho ka wada kulamo kala geddisan + Sawirro

0

(Muqdisho) 31 Dis 2019 – Waxaa magaalada Muqdisho kulan ku wada yeeshay Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Al-Cuthmani iyo Ergayga Qaramada Midoobey ugu qaybsan Somalia ee James Swan.

Kulankan oo ku qabsoomay Safaaradda Imaaraadka Carabta Somalia oo haatan ku taalla Degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia, waloow aan tafaasiil laga bixin wixii ay ka wada hadleen, marka laga reebo inuu la kulmay Ergayga QM oo si aad u kooban loo qoray.

Danjiraha Imaaraadka ayaa inta badan ah marti aan sidaa looga jeclayn magaalada Muqdisho, marka la eego siyaasadda Imaaraadku sanadihii dambe lasoo baxay ee ka dhanka ah Somalia.

Imaaraadka ayay dad badani xitaa la xiriirinayaan qaraxii Sabtigii ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo uu wargeyska Yeni Safak ee dalka Turkigu uu qoray maqaal dheer oo uu ku faahfaahinayo inuu Imaaraadku ka dambeeyo qaraxaasi, isagoo raacinaya sababo siyaasad-dhuleed oo loo qaateen ah, taasoo aan meesha ka bixin xitaa markii ay kooxda Shabaab qaraxaa naxariis darrada ah sheegatay.

Danjiraha Imaaraadka Carabta ayaa sanad dhowaan dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib muddo sanad ka badan oo uu maqnaa.

Xiriirka dowladaga Imaaraadka Carabta ee Somalia ayaa sanad ka badan ka maqnaa magaalada Xamar, isagoo u wareegey dhanka Nairobi oo uu ka wadey siyaasado ka dhan ah Somalia, taasoo fulinteeda loo igmaday siyaasiyiin dhowr ah.

Hadalsame Media