Ma ogtahay in magaca Madagascar uu asal ahaan kasoo jeedo magaalo Soomaaliyeed oo caan ah (Waa magaaladee?)

0

(Antananarivo) 24 Dis 2019 – Dalka Madagascar marka aad Soomaali tahay ugu yaraan waxaad aragtay dayuuradda qaaca jiidaysa ee ”Caasha Carab-dheer” ee dul marta Somalia, balse maxaa kale oo aadan ogayn.

Jasiiraddan oo 3 jeer ka wayn Jasiiradda Britain ayaa waxaa qarniyadii 17 ilaa 18-aad degaamaystey burcad badeed Ingiriis ah, ilaa uu markii dambe kusoo duuley oo gumaystey Faransiisku.

Dadka ilaa haatan deggan waxaa sidoo kale ka mid ah kuwo asal Soomaali ah.

MAGACA DALKAAS & MUQDISHO MAXAA KA DHEXEEYA?

Arrinta ugu xiisaha badani waa magaca Madagascar iyo sida uu ku samaysmay? Waxaa taariikhda ku cad in badmareenkii reer Talyaani ee Marco Polo, oo si khaldan ugu dhawaaqay magaca Muqdisho (Mogadishu), ee Somalia, uu magacan ugu yeerey jasiiraddan oo 250 mayl u jirta dalka Mozambique.

Dalkan oo la helo baranbaro dhawaaqaysa iyo qorato cabaadaysa iyo xayawaanno kale oo 80% aan laga helin meel kale oo caalamka ah, ayaa dadka ku nool loo yaqaannaa Malagasy, mana aha Madagascan.

Hadalsame Media