”Hooyadeey ogaysii urugada i haysa!” – Yaa ka mas’uul ah dhiig baxa Soomaaliyeed ee Badda Dhexe?

0

(Hadalsame) 24 Dis 2019 – Waloow aysan haatan Somalia ka soconin colaado qabiil oo furan oo ay ka qayb qaadanayaan laba qaybood oo is qoonsan, misna waxaa jira qolo kale oo qarax, qahar iyo qaaquullo aan waxba la faa’iidayn adduun iyo akahiro lasoo istaagtey jeer ay Soomaalidu daallan tahay.

Taasi waxay sii joogteysey dhiig baxa Soomaaliya, iyadoo ay bil kasta Badda qaboow ee Dhexe ay ku dhamaadaan laf-dhabartii dalka oo ah dhallinyarada Soomaaliyeed.

Waxaa haatan soo baxay sawirka wiil Soomaali ah oo ay ka muuqdaan busaarad iyo balanbal aad wejigiisa ka garanayso. Waxaa Twitter soo gelisey Ritta Gallozzi oo u dhaqdhaaqda badbaadinta qaxootiga.

“Hooyaday ma ogaysiin kartaa (noloshayda)?” Ayuu yiri Imraan, 14-jir, ayaa isagoo kaligii ah Libya uga yimid dhanka Somalia.

Waa la garaacay, isagoo garaacaasi ku waayay hal il. Wuxuu ka mid yahay dad laga badbaadiyay toogasho ay ku xukunnaayeen maadaama aanay hubin inay nolol uga gudbi karaan Badda Dhexe, iyagoo ay soo badbaadisey hay’adda khayriga ah ee Open Arms Europe (Sawirka: O.Calvo).

Su’aal: Yaa ka mas’uul ah dhiig baxa Soomaaliyeed ee Badda Dhexe? Nin kasta oo Somalia saamayn ku leh min midka NGO samaystay ee dhib ka shaqeeya dalkana been ka sheegaya, midka xil sare haya ee aan waxba qabanin ilaa midka xaafadaha qarxinaya, ilaa qofka naftiisa halista ku gelinaya badahaa halista ah ayaa lagu doodi karaa inay ka mas’uul yihiin.

Hadalsame Media