Turkiga oo dhisanaya GUJISYO casri ah (Waa imisa xabbo?)

0

(Ankara) 22 Dis 2019 – Turkiga ayaa maanta soo bandhigay mashruuc cusub oo ay ku samaysatay gujisyo cusub oo dagaal, kuwaasoo sare u qaadi doona awoodda Ciidamada Badda Turkiga ee badaha Aegean iyo Badda Dhexe ee Mediterran Sea.

Munaasabad lagu qabtay xarunta maraakiibta lagu dhiso ee Gölcük Shipyard ee Woqooyi Bari Turki, ayaa lagu soo bandhigay Gujiska Pirireis, oo ah kii ugu horreeyay ee mashruucan lagu sameeyay oo durba badda la saaray, si KMG ah.

Waxaa sidoo kale xafladda lagu soo bandhigay markii 5-aad ee uu Turkigu farsameeyo oo ah Seydialireis oo birtii ugu horreeyay alxanka lagu bilaabay.

MW Turkiga ee Recep Tayyip Erdoğan oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in gujisyada haatan la dhisayo oo guud ahaan 6 ihi uu sanadkiiba mid soo bixi doono kuwaasoo lagu qalabayn doono Ciidamada Badda min  2022 ilaa 2027-ka.

Turkiga ayaa bilaabay dhismaha gujiskan 4 sanadood kahor, sida uu sheegay Erdoğan, isagoo xaqiijiyay inuu si buuxda u howlgeli doono 2022-ka.

Marka laga soo tago Pirireis, wuxuu Madaxwaynuhu sheegay in howshooda la wado Hizirreis, Muratreis iyo Aydınreis kuwaasoo haatan laftooda la dhisayo.

Turkey ayaa dhisanaya nooca Type-214 kuwaasoo ay ka caawinayso shirkad Jarman ah oo la yiraahdo ThyssenKrupp Marine Systems oo ay la heshiiyeen 2009-kii.

Hadalsame Media