SAWIRRO: Maraykanka oo aqbalay guuldarro uga soo socota dhanka Shiinaha (Welwel cusub oo soo wajahey)

0

(Shanghai) 22 Dis 2019 – Shiinaha ayaa ayaa la sheegay inuu mar aan dheerayn noqon doono dalka ugu xooggan dunida dhanka badda, isagoo booskaas kala baxaya dalka Maraykanka.

Waxaa la sheegay in sara kaca Shiinuhu uu durba socdo oo aanay jirin wax ay Washington ka qaban karto si ay u gaabiso ama u joojiso.

Wargayska Forbes ayaa soo qaatay inay jirto rug maraakiibta dagaalka lagu dhiso oo ku taalla khoorka Shanghai, taasoo uu sheegay inay ka socoto “casriyayn” aad u heer sarreeysa oo lagu sameeynayo Ciidamada Badda Shiinaha.

Waxaa halkaa ka soconaya dhismaha 9 markab oo burburiyeyaal ah, iyadoo tusaale ahaan ay Britain guud ahaanba haysato 6 markab oo noocaas ah, sida uu qoray Forbes Megazine.

Waxaa dheer in hoosadaasi lagu dhisayo markab kale oo kuwa dayuuradaha xambaara ah – waana kii 3-aad oo xiriir ah.

Midka 2-aad oo loogu yeero Shandong, waxaa Ciidamada Xoraynta Dadwaynaha Shiinaha qaybtooda badda (PLAN) lagu wareejiyay horraantii todobaadkan.

Markabkan oo ah nooca qaada dayuuradaha 36 J-15 ee guuxooda ka dheereeya, waa noocii ugu horreeyay oo uu gebi ahaanba dhiso Shiinuhu. Waxaa sidoo kale halkaa lagu dhisayaa gujisyo ka mid ah kuwa ugu casrisan caalamka.

Hay’adda Daraasaadka Amaanka ee Center for a New American Security (CNAS), oo saldhigata Washington DC, ayaa sheegtay in Shiinuhu aanu noqon doonin sidii Soofiyeetkii noqon doonin mid aan gaari karin Maraykanka dhanka tiknolojiyadda, balse uu taa biddaalkeeda Shiinuhu xitaa dhaafi doono gaarisba ha joogtee.

”Maraykanka waxaa looga badin doonaa ciyaarihiisa.” ayay tiri hay’adda CNAS.

Hadalsame Media