Hawada wasakhaysan oo lala xiriiriyay dadka oo caqli yaraada (Daraasad)

0

(Hadalsame) 22 Dis 2019 – Daraasad ay Shiinaha ku sameeyeen cilmi baarayaal ka tirsan Jaamacadda Yale ee Maraykanka qaybteeda caafimaadka dadwaynaha ayaa ogaatey in dikhowgu “uu si wayn u dhimo” caqliga dadka.

Cilmi baarayaasha ayaa sheegay in 95% dadwaynaha caalamku ay ku neefsanayaan hawo aan nadiif ahayn, taasoo aad u dhimaysa tayada caqligooda.

Daraasaddan oo lagu daabacay Akadamiyaha Qaranka ee Sayniska, ayaa muujinaysa in hawada wasakhaysan lala xiriirin karo inay dadka meelahaa ku nool ay dhibco hoose ka keeneen luuqadaha iyo xisaabta.

Waxaa la sheegay in qiyaasta uu caqligu hoos u dhacay ay la mid tahay sidii sanad waxbarasho oo lumay.

Xi Chen, oo cilmi baarayaasha ka mid ah ayaa sheegay inay soo ururiyeen 20,000 qof iyadoo diiradda la saaray meelaha ay hawadooda ku badan yihiin curiyeyaasha nitrogen dioxide iyo sulphur dioxide.

Waxaana markaa la eegay natiijada imtixaannada dadka goobahaa ku nool, waxayna keeneen dhibcoo aad u hooseeya.

Derrick Ho, oo ah cilmi baare ka tirsan Hong Kong Polytechnic University, ayaa sheegay in dikhoowgu uu wax gaarsiiyo “stress-ka oxidative-ka ah, neuroinflammation iyo tayada maskaxda oo hoos u dhacda (neurodegeneration).

Hadalsame Media