Dalalka Islaamku waxay iibsadaan hubka ugu badan mana difaacee wuu dilaa (Baraarug cusub oo socda)

0

(Hadalsame) 21 Dis 2019 – 100 shirkad ee qalabka milatariga sameeya 98 waa wadamada Galbeedka 2 shirkad oo turkey bas ah ayaa ku jiro.

Maraykanka kaliya 2018-kii wuxuu ka sameeyay iibka hubka 250 bilyan USD. Shirkadahaas lacagta ugu badan waxey ka sameeyaan wadamada Islaamka.

Nasiib xumo dadka ugu badan ee hubkaas ku dhinta waa Muslimiin. Ilaa goorma ayuu qofka Muslimka ah ku jiraa hurdada intaas la’eg?

Maanta waxa soo idlaaday Malaysiya shir caalamka Islaamka ugu yeeray Mahatiir Maxamed Reysal Wasaaraha Malaysiya, kaas oo ujeedkiisu ahaa umada Islaamka sidee dhibaatada looga saari karaa?

Sidee ganacsiga, waxbarashada iyo tiknoloyadda wadamada Muslimiinta ah dhaxdooda isaga caawin karaan, si loo gaaro isku tashi Muslimiintu gaarto?

Waxaa la filayay 5 dowlaood oo kala ah Malaysia, Turkey, Pakistan, Indonesia, Qadar. Nasiib xumo, Pakistan iyo Indonesia waxaa la saaray cadaadis ka daran kii la saaray Somalia waana ku guuleysteen in ay ka baajiyaaan, iyada oo loogu hanjabay in 4 milyan oo Pakistan ah oo Sucuudiga ka shaqeeya in ooda loo soo jabinayo, iyo in 4 bilyan oo Bankiga Dhexe ee Pakistan dib loola noqonayo. Waana culeys aad u weyn.

Umad kasta 100-kii sanaba qofbuu Ilaahey ka soo saaraa oo dib u cusbooneysiiyo diintooda iyo dadnimadooda, waxaan arkaa 100 madowga in uu sii dhamanayo oo 100 iftiin bilaabmayo inshaa allah.

Mahadsanidiin.

W/Q: Xaaji Cabdifatah Dayib Macalim

Hadalsame Media