Basbaaska oo la ogaadey inuu DAWO u yahay cudurro HALIS ah (Daraasad cusub)

0

(Molise) 21 Dis 2019 – Daraasad cusub oo iminka soo baxday ayaa sheegaysa in basbaasku uu leeyahay faa’iido ka badan inay dad badani cuntada ku geedaystaan.

Sanado badan ayaa basbaaska lagu xaman jirey inuu leeyahay faa’iidooyin caafimaad, balse cilmi baarayaasha ayaa iminka soo helay in cunista basbaaska ee joogtada ihi ay yarayso halista geerida salka ku haysa cudurrada wadnaha iyo shallalka (stroke).

Daraasaddan oo lagu sameeyay Talyaaniga, waxay daraasaddu isu eegtay 23,000 oo qofood oo ay qaarkood basbaaska rukuman jireen qaarna aanay cuni jirin, kuwaasoo ku nool gobolka Molise ee koonfurta Talyaaniga.

Waxaana xaaladooda la eegayay muddo 8 sanadood ah, waxayna daraasadeeyaashu ogaadeen in dadkii basbaaska cuni jirey ay 40% kaga yaraadeen kuwa aan cunin dhanka u dhimashada wadne istaagga, gaar ahaan kuwa basbaaska cunayay ugu yaraan 4 jeer todobaadkii.

Waxaa sidoo kale ay 50% kuwa aan cunin kaga yaraadeen cudurka shallalka, sida ku cad daraasaddan oo lagu daabacay Death warqaadka ka faallooda arrimaha wadnaha ee Journal of the American College of Cardiology.

Culimada caafimaadka ayaa haatan bilaabay baaris ku aaddan hab-howleedka biochemical ee keenaya inuu basbaasku arrintan caafimaad ahaan u roonaado.

Waxaa hore daraasado noocan ah looga sameeyay Maraykanka iyo Shiinaha waana la amaanay basbaaska.

Hadalsame Media

Facebook Comments