WAR CUSUB: Turkiga oo Ruushka la gelaya heshiis uu kusoo saarayo gantaalaha S-400 & hub kale + Sawirro

0

(Ankara) 14 Dis 2019 – Turkiga ayaa qarka u saaran inuu heshiis taariikhi ah la gaaro dalka Ruushka oo ay iska kaashanayaan soo wada saarista gantaalaha casriga ah iyo helitaanka tiknolojiyadda arrintaa la xiriirta oo loo gudbinayo Turkiga, sida uu sheegayo Madaxa Wax Soo Saarka Difaaca Turkiga (SSB), İsmail Demir.

Turkiga ayaa haatan Ruushka kala xaajoonayo wejiga 2-aad ee iibsiga gantaalaha dhul ka cirka ah ee (SAM) S-400, balse wuxuu doonayaa in aanu kaliya iibsane loo ogolaado inuu helo farsamada hubkaasi si uu qaybtiisa usoo saaro, taasoo shuruud oo kale u ah heshiiskan 2-aad.

Ruushanka ayaa horay Turkiga ugu daabulay raxantii 1-aad ee S-400 oo lagu rakibay saldhigga ciidamada cirka Turkigu ku leeyihiin Mürted Air Base oo u dhow caasimadda Ankara, dabayaaqadii bishii Sebtembar.

Waxaa haatan Ruushka tababar u jira ciidamadii ku shaqayn lahaa gantaalahan casriga ah ee S-400, taasoo soo afjarmaysa Abriil 2020.

Turkiga ayay Maraykanka iskula dhacsan yihiin arrintan, iyadoo loo diidey in laga iibiyo gantaalaha Patriot ee Maraykanka, balse markii dambe loo ogolaaday iyadoo xujo looga dhigayo joojinta iibsiga S-400, taasoo ay dhegaha ka furaysatay Ankara.

Waxaa sidoo kale Turkiga loo diidey in laga iibiyo dayuuradaha raadaarka khiyaama ee F-35, iyadoo uu Turkigu sheegay inuu biddaalkooda Moscow kasoo iibsanayo (Sukhoy) Su-35.

Todobaadkii tegey horraantiisii, Guddiga Siyaasadda Dibadda Senet-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in lasii wado cunaqabatayn 2017-kii la saaray Ankara oo ah nooca loogu tala galay dalalka lidka ku ah Maraykanka  (CAATSA).

Yeelkeede, Wasiir Dibadeedka Mevlüt Çavuşoğlu ayaa sheegay inay Turkigu ka baaraan degayaan dookhyada ay haystaan oo idil oo ay ku jiraan inay Maraykanka ka eryaan saldhigga cireed ee Incirlik Air Base.

Maraykanka ayaa lagu dhaliilay laba-wejiilayn, waayo waloow uu Turkiga ku haysto in aan la is dhexgelin karin hannaanada NATO iyo Ruushka, misna waxaa jira dalal NATO ku jira oo adeegsada hubkan, sida Giriigga, Bulgaria iwm oo isticmaala S-300.

Hadalsame Media