Cudurka Kansarka Dhiigga oo dawo wanaagsan loo helay (Daraasad cusub)

0

(Boston) 14 Dis 2019 – Waxaa la tijaabiyay dawo lagula tacaalo kansarka dhiigga ee leukaemia, taasoo la dagaallamaysa cudurkan iyadoo saamayn sumayn ah ku yeelanin jirka bukaanka, sida ay sheegeen cilmi baarayaashu kaddib markii ay dawadan dadka ku tijaabiyeen markii ugu horreeysey.

Dawadii horay loogu adeegsan jirey kansarka dhiigga nooca raagey ee myeloid leukaemia, oo la yiraahdo kinase inhibitors, ayaa la iman jirtey saamayn xun sida matag, shuban, murqo xanuun iyo qofka oo aan shaqayn karin muddo kaddib.

Yeelkeede, tijaabada asciminib – oo ah dawo cusub oo sida tan hore cudurkan dawayn karta – ayaa noqotay mid waxtar badan oo ay ‘weliba u gigsan karaan’ bukaannadu.

Cilmi baarayaasha ayaa sheegay in ‘xalkani’ uu gacan ka gaysan doono dawaynta chronic myeloid leukaemia (CML), kaasoo badanaa ku dhaca dadka ku jira da’da 60-meeyada, isagoo fursad dheeraad ah siinaya sidoo kale dadka kale ee ay dhibto noocii horay loo adeegsan jirey.

Culumada caafimaadka ayaa sidoo kale sheegay in dawadani ay sidoo kale ku fiican tahay inaysan dilaynin unugyada caafimaadsan, taasoo mararka qaar dhacda inay dawadu disho unuggii bukey iyo kii bad qabayba, sida lagu daabacay New England Journal of Medicine.

Hadalsame Media