Britain oo u muuqata mid ku baabi’i doonta ka bixitaanka Midowga Yurub (Arag sababta)

0

(London) 14 Dis 2019 – Waloow uu Boris Johnson xasiliyay aqlabiyad u horseedi karta inuu Britain ka saaro Midowga Yurub, misna waxaa halis ku jirta sii jiritaanka Britain lafteeda.

Waxaa arrintaa ugu wacan in xisbiyo waddani ah oo doonaya in ay gobollada Scotland iyo Northern Ireland ay ka go’aan Britain inteeda kale ay ku wada guulaysteen aqlabiyadda gobolladaasi.

Tusaale ahaan, Scotland waxaa 48 kursi helay Xisbiga gooni goosad doonka ah ee SNP, halka ay Muxaafidku heleen 6 kursi, LD ayaa 4 helay, halka ay Labour-ku 1 kursi oo qura ka keeneen.

Dhanka Northern Ireland, waxaa ku xoogaystey Jamhuuriga iyo waddaniga, tusaale DUP ayaa 8 helay, SF ayaa 7 kasbaday, SDLP ayaa loo doortay, halka ALL uu mid qura ku guulaystey.

Taasi waxay ka dhigan tahay in markii ugu horreeysey taariikhda ay aqlabiyadda gobolladan heleen Axsaab goosad doon ah, halkii ay awal ku xoogganaayeen midnimo doonku.

Nicola Sturgeon oo ah hoggaanka xisbiga SNP ee Scotland ayaa Johnson xusuusisey inay xaaladdu weli aad xal uga fog tahay, oo aanay iyagu doonayn inay ka baxaan MY.

”Waan aqbalsan ahay in uu Boris aqlabiyad ku guulaystey si uu uga boxo Midowga Yurub, ha yeeshee, ma haysto sharciyadda Scotland, balse aniga ayaa la ii igmaday sharciyaddaas, waana in la ixtiraamaa rabitaanka shacabka Scotland.” ayay tiri Sturgeon.

Sidaa darteed, RW Johnson ayaa waxaa sugaya dhowr madax xanuun oo ay midi tahay far iyo suulinta qaabkii ay Britain uga bixi lahayd Yurub, la xaalidda gobollada doonaya inay kasii go’aan UK iyo la macaamilidda xaaladda hubaal la’aaneed ee la socota ka bixitaan MY.

Hadalsame Media