”TUUTAHAYGA QABSO!” – Hab-dhaqanka ciidamadii usoo gurmadey weerarkii Hotel SYL oo la amaanay (Sidee wax u dheceen?)

0

(Muqdisho) 13 Dis 2019 – Aniga Tuutahayga Gadaal ka qabso. Bandhig aannu qorshihiisa wadney Muddo ku siman labo sitimaan ayaa kalkiisii galey, waxaana lagaarey habeenkii aannu wada sugaynay,

Aad ayaannu u faraxsaneyn dhammaantayo, ballantu waa Hotel SYL iyo Lixda maqribnimo.
Aad ayaan ugu soo deg-degay, inta aanuu gabbalku dhicin ayaan soo galey hoolkii aannu ku qaban lahayn bandhigga,
Waxa uu ahaa hoolku mid soo jiidasho leh oo aad loo qurxiyey indhahuna aysan ka libaqsan.

Waxaa goobta jooga qaar kamid ah dhallinyaradii oo aad isugu soo diyaariyey ka qeybgalka Bandhigga buugga,
Salaaddii maqrib-baan markaa un soo tukadey
Waxaan horey u galey howl wixii ka dhinnaa masraxa qurxintiisa iyo naash-naashkiisa.

Dhawr daqiiqo kaddib waxaa dhagahayga soo gaadhey dhawaaqa rasaas aan is idhi waa caadi ileyn Xamar baad joogtaaye,
Dhawaaqii rasaastu maysan kala joogsan,
Waxaa xigey Jug aannu si xooggan u maqalnay oo aannu is niri waa Qarax,

Hoolka oo ay ku sugnaayeen dhallinyaro isugu jirey wiilal iyo gabdho ku dhawaad 60 (Lixdan) dhallinyaro ah waxaa na asqeeyey oo laabaheenna buuxiyey cabsi xooggan.

Qofkastaa waxa uu damcay in uu cagaha wax ka dayo oo uu nafta la baxsado raadiyana sida uu u bad-baadi lahaa, laakiin xeero iyo fandhaal wey kala dhaceen oo gudaha hoteelka ayey ka dagaalamayaan Dableydii weerarka soo qaadey, rasaasta iyo walaxaha qarxaya wey sii xoogeysanayaan, cabsidiina wey siyaadeysaa oo qofwaliba tasbiixada ayuu afka ka deyn kari waayey, Qaarna Saaldo sunna ah bey u istaageen,
Naf waannu ka quusanney.

Waxaa wajahaadda hore ee hoolka aannu ku sugannahay dhufeys kaga jira sedex kamid ah ilaalada hoteelka oon warba u hayn tirada dhallinyaro ee hoolka ku jirta.

Dhallinyaradii qaar kamid ah ayaa soo jeedisey ugu yaraan in aannu dansanno laambaddii ama leerkii hoolka ee daarneyd,

Markii aanu daminay laambadda waxay u muuqatey in aanu annaga arki karno waxa banaanka ka dhacaya ama ka socda laakiin aysan na arki karin kuwa banaanka jooga,
Sidaa waxaan U yeelney haddii la noo soo galo in aannu ugu yaraan is difaacno.

Wiil kamid ahaa dhallinyarada iyo aniga oo aad u baqeyna ayaan usoo baxney banaanka,
Kolkaas ayaannu lahadalney askartii ilaalada hotelka ee banaanka joogtey waxaanu ku niri:
“Dad u badan dhallinyaro ayaa hoolkan ku go’doonsan ee lasocda xaaladeenna Walaalayaal”
Waxay nagu yirahdeen “Halkiinna haka soo bixina ee Jooga”

Markasta oo jugta iyo rasaatu badataba waxaa nagu badanayey wal-walka iyo cabsida,
Gabdhihii ayaa ugu darnaa oo qaarkood ku dhex matagay hoolka cabsida daran ee haysa awgeed.

Muddo ku siman 40 Daqiiqo oo xaaladdennu sidaa ahayd oo rasaasta iyo jugtu ay socotey,
Waxaa noo soo galey Askari oo nagu yiri soobaxa isoo raaca,

Qofkastoo nagamid ah waxaad mooddaa in la yiri Naftiyoo kaa baxdeybaa kugu soo noqotey,
Walise cabsidii iyo wal-walkii nagamuu bi’in.

Gabadh-baa ku tiri askarigii “Abowe Halkeen Ka baxnaa”? Wuxuu ku yiri “Tuutahayga Gadaal ka qabso meeshaan ka baxana kasoo bax inta kalana soo raaca”!
Naf-hurnnimo ayuu noo sameeyey Ilaah unbaa abaalkiisa gudi kara.

Intii la na soo saarayey ee Jaraan jarta aannu kasoo Dageyney waxaa si layaab leh u dhacayey hub darran-doorri ah,

Markii banaanka la noo soo saarey ee barxadda kasoo hor jeedda hotelka SYL la na fariisiyey wali cabsi ayaa nagu jirtey laakiin askari geesi ah ayaa nagu beerey kalsooni oo nagu yiri “maganteenna ayaad tihiin ammaankiinuna anagaa wakiil ka ah ha baqanina”
Markaas ayaan dareenney in aannu sugannahay,

Alle waxaan ka tuugayaa kuwii darteen nafahooda u waayey in uu janadiisa FIRDOWSA ku marti qaado.

Ciidankeennu Xilliyada adag nafaha ayey noo huraan, toodiinna waxay ka horreysiiyaan teenna.
Si aan u ladno, u faraxno, u raaxeysanno, ayey u ladi waayaan, usoo jeedaan.

Waa geesiyaal marnaba kama safaadaan shacabkooda, ciddii isku deyda in ay dhibaan shacabkuna Afka libaaxyadeenna Qalabka sida ayey dalaq dhahayaan.

Hadaba walal wilashaas iyo gabdhahaas nafta noo huray maxay mudanyiheen?

Waxaa Qoray: Axmed Saciid Axmed

Hadalsame Media