Mustaqbalka UK oo laga dayriyay kaddib guusha aqlabiga ah ee Xisbiga Muxaafidka (Corbyn oo is casilaya & waxa dhici kara?)

0

(London) 13 Dis 2019 – Siyaasiga libaystey ee Boris Johnson ayaa ku dhega hadlay dadkii doonayay inay Britain kasii mid ahaato Midowga Yurub isagoo yiri ”naga xira sheekadaas”, xilli uu ka hadlayay guushiisa.

Kaddib markii uu Labour u xambaariyay guuldarradii ugu cuslayd ilaa 1935-kii, isla markaana uu xisbiga Muxaafidka gayaysiiyay guushii ugu waynayd muddo dheer, wuxuu sheegay inuu shaqayn doona ”habeen iyo maalin” si uu u gudo kalsoonida ay siiyeen dadwaynaha Britain, sida uu yiri.

Isagoo iska baashaalaya ayuu ku kaftamay: ‘Aannu hirgelinno Brexit. Balse marka hore, aan quraacanno.’

Dhanka kale, Jeremy Corbyn ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilayo hoggaaminta xisbiga Labour-ka kaddib guuldarradan wejiga gabaxa ah.

Mr Corbyn ayaa sheegay ‘in aanu xisbiga ku hoggaamin  doonin doorasho dambe’ isla markaana uu is casili doono isla marka la magacaabo qofkii bedeli lahaa.

Waxaa la qiyaasayaa in codadka loo kala helay: Tories 365, Labour 203, SNP 48, Lib Dems 11.

MAXAA XIGI KARA?

Waxaa la saadinayaa inuu hubaal la’aan hoos u ridda geli karo dhaqaalaha UK, cunsuriyadda, dembiyada nacaybka ku dhisan iyo Islaamnacaybka oo sare kaca.

Danyarta oo dhibtoota iyo adeegyo badan oo dadwayne oo la gaareeyo sida Adeegga Caafimaadka Dadwaynaha ee NHS oo la iibin karo.

Sidoo kale ma hubbana in Johnson oo uu keeni karo ka bixid otomaatig ah oo ay UK isku furaan Midowga Yurub, maadaama ay jiraan waxyaabo badan oo ay tahay in sharciyan la sameeyo, balse ugu yaraan wuxuu haatan haystaa aqlabiyad.

Hadalsame Media