Soomaaliya oo mar kale moos dhoofisey (Arrin halis ah oo ay tahay in la iska jiro)

0

(Muqdisho) 11 Dis 2019 – Dalabka muuska soomaaliya ayaa iska soo daba dhacaya kadib markii 25 bishii aynu soo dhaafanay ee November ay soomaaliya dhoofisay moos tayo sare leh kaas oo loo diray wadamada Turkiga iyo Sacuudiga.

Shixnad kale oo muus wanaagsan ah ayaa maanta loo dhoofiyay Turkiga waxaana wasaaradaha ganacsiga iyo beeraha soomaaliya ay sheegeen in dalab badan uu iminka imaanayo.

Mashruuc lagu tayeenayo mooska soomaaliya ayaa waxaa bilaabay heyada USAID taas oo beeraleyda soomaalida ka taageertay dhanka farsamada iyo daaweynta muuska.

Beeraleey soomaali ah ayaa la geeyay dalka Costa Rica sanadkii 2018 si ay u bartaan hanaanka casriga ah ee loo soo saaro muus wanaagsan.

Soomaaliya ayaa kaalin wanaagsan kaga jirtay wadamada dhoofiya muuska tayada leh ka hor burburkii.

Sanadkii 1990 waxaa la sheegay in soomaaliya ay dhoofka mooska ka heshay aduun gaaraya 96 malyuun oo doolarka Mareykanka ah.

Yeelkeede, hal arrin oo ay tahay inay iska jiraan beeralayda Soomaalidu waa adeegsiga tiknolojiyado la sheego in lagu kordhiyo tirada iyo tayada wax soo saarka beeraha sida nooca loo yaqaanno hannaanka macmalidda hidde sidka ee genetically modified crops (GMC).

Hannaankaasi oo si wayn looga adeegsado guud ahaan Ameerika, waxaa lagu tilmaamaa mid aan caafimaadka u roonayn oo laga qaado cudurro halis ah sida kansarka iwm, maadaama lasoo saarayo miro la macmalay oo aan asal ahayn (organic).

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media