Xerada Xalane oo arrin halis ku ah caafimaadka & bay’ada ku haysa Muqdisho (Xog dahsoon)

0

(Hadalsame) 10 Dis 2019 – XERADA XALANE IYO WASAKHEYNTA BADEENNA!! Tani waa mid ka mid ah Damage-ka ugu yar ee badeena u soo gaara si maalinle ah:-

-20 kun oo Ciidamada #AMISOM ah,
-10 Kun oo Shaqaalaha ka shaqeeya Xerada Xalane.
-3-Kun oo shaqaalaha & ilaalada Safaaradaha ah.
-Hotello, 2 Hospital oo ku yaala gudaha Xalane.

Dhamaan waxaa ley sheegay Hoteelada, Shaqaalaha iyo Ciidamada AMISOM ee xerada Xalane inay Qashinkooda, iyo wasaqda iyo saxarada Musqulahoodaba ay si toos ah ugu shubaan dhanka bada Xalane.

Sidoo kale Cusbitaalada ku dhex yaala xerada Xalane inay iyaguna gebi ahaanba qashinkooda sida Faashadaha,Cirbadaha,Faleebooyinka,Dhalooyinka,Daawada la isticmaalo iyo agabka bukaanada oo dhan inay si toos ah ugu shubaan dhanka Bada Xalane, iyaga oo awoodi kara iney godod u qodaan dabadeedna gubaan.

Dhanka kale wasaqeynta bada ee dhanka xerada Xalane waa mida sababta u ah in Xeebta Liido ay habeen walba soo tufto Meydadadka kaluunkii iyo xatawaanaadkii bada ku jiray,Qashin u badan Maryo,Caagaga faleebooyinka,Cirbado,Gasacado,Walxo baco ku jira oo isku guntan oo dufan badan, iyp qashin kaloo farabadan, kuwaas oo gebi ahaanba ka dhigay xeebtii Liido iyo agagaarkeeda goob qashin qub ah oo halisteeda leh, lagana yaabo in qashinka iyo wasaqda xerada Xalane sida joogtada ah uga yimaada ay meelo kalena ku soo caariyaan..

Hadaba Aniga oo xasuusta Xiligii Allaha unaxariistee Ex Gudoomiye Eng Yariisow in Maamulka G/Banaadir ay dhowr jeer madaxda AMISOM kala hadleen una qoreen warqado digniino ah oo arintaan ku saabsan, ayaan la xiriiray mid ka mid ah masuuliyiinta Maamulka G/Banaadir ee iminka jira wuxuuna ii sheegay in ay xerada Xalane dhibaato weyn oo wasaqeynta bada iyo deegaanka ah ku qabaan, Islamarkaana ay dhowr mar u direen warqado ku saabsan arinkaas balse ay dhegaha ka fureysteen madaxda Amisom jawaab tooduna ay noqotay “Annagu wax kale ma awoodno oo aan aheyn inaan qashinkeena iyo wasaqdeenaba ku shubno bada”

Halkaas markeey taagan tahay waxaan ku iri,aan talo idin siiyee fadlan warqadaha aad u dirteen Amisom, Sawirada qashinkooda iyo jawaabta ay AMISOM idinka siisayba arinkaan intaad Report dheer ka diyaarisaan u gudbiya Wasaaradda Arimaha gudaha, wasaaradaha bada iyo dekedaha iyo tan dalxiiska, iyo cid kasta oo ay quseyso, Sidoo kale Madaxweynaha iyo Raysslwasaarahana la socodsiiya, oo haka daalininee ugu yaraan Amisom u muujiya in damiirkiinu shaqeynayo oo aad ka xun tihiin xanuun weyna ay idinku hayso wasaqeynta badeena iyo xeebahaana. Wuuna iga aqbalay.

Maxaa yaab isdabayaal.!!

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

Hadalsame Media