HINDISE: Aadan Ducaale oo Raysal Wasaare ka noqonaya Kenya haddii….

0

(Nairobi) 09 Dis 2019 – Siyaasiga Gaarisa laga soo doorto, Aadan Ducaale ayaa haysta fursad sare oo uu RW uga noqon karo Kenya haddii la dhaqan geliyo hindisaha Building Bridges Initiative (BBI).

Hindisahan ayaa dhigaya in Madaxwaynuhuu uu si otomaatig ah Raysal Wasaare uga dhigo hoggaanka aqlabiyadda ee Baarlamanka.

“Madaxwaynuhu wuxuu magacaabayaa xildhibaan ka socda xisbiga ugu ballaaran ama isbahaysiga, kaasoo noqonaya RW, marka uu meel mariyo Baarlamanku,” ayay u dhigan tahay warbixintu.

Waxay warbixintu leedahay, in Raysal Wasaaruhu yeelan doono indha indhayn iyo fulin ku aaddan shaqo maalmeedka dowladda.

Hindisaha ayaa waxaa kaloo ku dhigan in sidiisii loo soo dooranayo Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa, wuxuuna MW noqonayaa Madaxa Qaranka iyo Dowladda.

Ha yeeshee, halka caqabad ee ku hor gudban Ducaale, waa xiriirka uu la leeyahay MW Xigeenka William Ruto iyo guutada “TangaTanga.”

Hindisaha ayaa sidoo kale qaba in Madaxwaynuhu uu cayrin karo Raysal Wasaaraha ama uu soo gole joojin karo haddii uu codad ku filan ka helo Baarlamanka.

Hadalsame Media