Niman Sucuudiyaan ah oo arrin la yaab leh ka sameeynayay xeradii shalay la weeraray oo la qabtay + Sawirro

0

(Pensacola, FLA9 07 Dis 2019 – Ninkii shalay weerarka ku qaaday xero ay leeyihiin Ciidamada Badda Maraykanka ee ku sugan Florida ayaa Maraykanka ku tilmaamay ”qarankii sharta” kahor intii aanu weerarka qaadin, sida ay sheegtay AFP.

Ninkan oo uu hilinka NBC News ku sheegay Mohammed Saeed Alshamrani oo u dhashay Sucuudiga, ayaa rasaasta ku furay fasal ku dhex yaalla xerada oo ku taalla magaalada Pensacola, waxaana markiiba yimid Booliiska oo ninka toogtey.

Waxaa haatan soo baxaya war sheegaya in lasoo qabtay ilaa 6 nin oo u dhashay Sucuudiga, kuwaasoo laga qabtay saldhigga agtiisa, jeer la bilaabay baaris argagixiso.

3 ka mid ah 6-da la qabtay waxaa la arkay iyagoo duubaya intii ay rasaastu socotey, sida lagu qoray The New York Times fiidnimadii Jimcihii.

Weli se lama caddaynin inay raggani sidoo kale arday ka ahaayeen saldhigga la weeraray iyo in kale.

Hadalsame Media