HORDHAC: Djibouti vs Somalia, wax kasta oo aad uga baahan tahay macluumaadka ciyaartan

0

(Kampala) 07 Dis 2019 – Labada wadan ee dhalasho wadaaaga ah ayaa galabta isaga hor imaan doona tartanka CECAFA Senior Challenge Cup 2019.

Waa laba wadan oo aan taariikh badan ku laheyn tartanka socda, balse qiimaha kulanka waxaa kor u qaadaya dhiigga, dhalashada iyo dhaqan wadaagga, waxaana dhici doonta ciyaar leh qaab darismimo.

Somalia waa wajiga ugu weyn ee laga cabsanayo tartanka marka laga reebo Kenya oo difaacaneysa iyo Uganda oo martigalineysa, waxeyna yeesheen hadal weyn markii ay gaareen kampala.

FAAH-FAAHINTA KULANKA:
Kulanka: Djibouti vs Somalia
Tartanka: CECAFA Senior Challenge Cup
Garoonka: StarTime KCC Ground
Saacadda: 1:30 Duhurnimo (XGA)
Lacagta: 5000 – VIP-da waa 30,000

MAXAA KA CUSUB SOMALIA?

Ahmed Said Ahmed (Casaanyo) ayaa noqon doona kabtanka xulka kulanka maanta, waana mid ka mid ah xiddigahii ciyaaray labadii kulan ee Zimbabwe.

Waxaan helay akhbaar hoose oo sheegeysa in kaliya Sacid Yemeni uu kaga soo bilaabanaayo xiddigaha ka baxay dalka.

10-ka xiddig ee kale waxey noqonayaan kuwa laga soo xulay qurbaha, hadii aysan dhibaato iyo dhaawac soo kordhin.

CIYAARTU TOOS (LIVE) MA TAHAY?

Haa, waxaa balan qaaday oo soo tabin doona Tv-ga AZAM

Waxaan rajeynaa in Tv-yada Local-ka ay durba ku hawlan yahiin oo ay soo heli doonaan, lana daawan doono.

Waxaa Diyaariyay: Cabdirashiid Maxamuud Nuur

Hadalsame Media