XOG: Imaaraadku ma wuxuu bedeley siyaasaddiisii ka dhanka ahayd Somalia? + Sawirro

0


(Muqdisho) 05 Dis 2019 – Waxaa beryahan muuqata inay is yara beddeshey siyaasadda Imaaraadka ee ku wajahnayd DF Somalia.

”Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad subaxnimadii Khamiista gurigiisa oo ku yaal magaalada Muqdisho ayaa qado sharaf quraac sharaf ugu sameeyay Safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Othman Al Hammadi.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

”Waxa ay dhinacyo kala duwan ka eegeen Xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal iyo riixida iskaashi hore loo maro hab gacan ka geysanaya kor u qaadista heerka xiriirka labada dal ee walaalaha ah.” ayuu raacinayaa qoraalku.

Danjiraha Imaaraadka ayaa Nairobi u badnaa tan iyo markii uu woxoogaa xumaaday xiriirka Somalia iyo Imaaraadku, balse waxaa beri dhowayd mar qura lagu arkay munaasabaddii lagu furayay Machadka Diblomaasiyadda Wasaarad Dibadeedka Somalia oo ay dhistay Qadar oo ah dal kale oo aysan beryahan isku fiicnayn Imaaraadka, balse haatan isbeddel muuqdo, haddana waa markii 2-aad ee uu kasoo muuqdo madal shaac ah.

Lama oga in uu Imaaraadku bedeley guud ahaanba siyaasaddiisa ka dhanka ah Somalia ee kharbudaadda ah iyo in ay tahay uun istaraatijiyad boos qaadasho ah, maadaama ay soo dhowdahay doorashada Somalia.

Hadalsame Media