Maxaa ku dhaca maskaxda haweenka qaata kaniiniga dhalmada lagu xakameeyo?! (Daraasad cabsi leh oo soo baxday)

0

(New York, NY) 05 Dis 2019 – Haweenka qaata kaniiniga maalinlaha ah ee dhalmada lagu xakameeyo, ayaa la sheegayaa in gobol muhim ah oo maskaxda ka mid ihi uu ka yaraado xajmigiisii hore, sida ay khubaradu iminka xaqiijiyeen.

Qaybtan yaraanaysa ayaa ah hypothalamus oo asaasi u ah soo saarista dhecaannada jirka (hormones), isla markaana door wax ku ool ah ka qaadata niyadda ama moodhka qofka, abiteetka, rabista galmada iyo hurdada.

Cilmi barayaal ka tirsan Montefiore Medical Center oo ku yaalla New York City ayaa iskaan saaray ilaa 50 haween ah, kuwaasoo 21 ka tirsani qaataan dawada koontoroolka dhalmada, abidkoodna aan wax cudur ihi maskaxda uga dhicin.

Haweenka ayaa markii maskaxda laga wada saaray MRI iskaan, waxaa soo baxday in haweenka qaata dawada dhalmo koontoroolka ay qaybta maskaxdooda ee hypothalamus ay 6% ka yar tahay maskaxda haweenka kale ee aan dawadaa qaadan, sida lagu qoray warqaadka Discover.

Dr Michael Lipton, oo hoggaaminaya daraasaddan ayaa sheegay in ay sidoo kale heleen caddaymo hordhac ah oo muujinaya in haweenka ay qaybtani yaraatay ay la yimaadaan hab-dhaqanno cusub sida caro badan iyo astaamo muujinaya diiqad iyo werwer.

Daraasaddan ayaa lagu soo bandhigayaa shirka sanadlaha ah ee Radiological Society of North America, iyadoo aan weli lagu daabicin warqaad aqooneed (academic journal).

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media