Maraykanka oo ku dhawaaqay inuu Sudan safaarad ka furanayo 23 sano kaddib

0
FILE - In this May 2, 2019, file photo, Sudanese protesters wave national flags at the sit-in outside the military headquarters, in Khartoum, Sudan. The satellite news channel Al-Jazeera said Friday, May 31, 2019, that Sudan shut down its bureau, just as the country's military government warned that the Khartoum sit-in that help bring ruler Omar al-Bashir's ouster had "become a threat to the revolution." (AP Photos/Salih Basheer, File)

(Washington, DC) 05 Dis 2019 – Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inuu Danjire rasmi ah u dirsanayo dalka Sudan, markii ugu horreeysey muddo 23 sanadood ah, iyagoo soo dhoweeyay hoggaamiyaha cusub ee isbedel doonka ah.

Maraykanka ayaa beri dhowayd taageeray tillaabooyinka uu qaaday RW Abdalla Hamdok si ay yiraahdeen uu uga goosto “siyaasadihii iyo dhaqamadii rajiimkii hore”oo ay ku eedeeyeen inuu ahaa xag-jir xiriir la leh argagixisada.

XIRIIR LABA DHINACLE AH

Wasiir Dibadeedka Maraykanka ee Mike Pompeo ayaa ku dhawaaqay in Maraykanku uu Danjire u magacaabayo Khartoum, kaasoo kaliya u xayiran ansixinta senet-ka, isagoo sidoo kale sheegay in Sudan ay iyaduna Danjire rasmi ah u dirsan doonto Washington DC.

Washington ayaa xiirad xiisad miiran ah la lahayd Jen Bashir, oo xilka xoog ku qabsaday 1989-kii. Kaddib weerarkii 1998-kii lagu qaaday safaaradaha Maraykanka ee Kenya & Tanzania, wuxuu Maraykanku gantaal ku dhuftay wershad dawada sameeysa oo uu sheegay inay soo saarto kiimiko halis ah.

Hadalsame Media