WAR CUSUB: AC Milan oo doonaysa Lionel Messi & Pep Guardiola ama Mbappe & Klopp (Sababta ay ku dhici karto)

0

(Milano) 03 Dis 2019 – Sida ku dhigan La Repubblica, waxaa xoogaysanaya qorshaha sii iibinta AC Milan oo ay si qarsoodi ah uga wada hadlayaan Elliott iyo Arnault, boqortooyada xarragada. Milkiilaha shirkaddaasi, taajirka Louis Vuitton ayaa beri dhowayd Tiffany ku iibsadey lacag ka badan 16, 2 bilyan oo doollar.

Yeelkeede, sheekadu meesha ay ka xiise badan tahay waa in taajirkan Faransiiska ihi uu Milan u doonayo min laba nin oo qaali ku ah kubadda maanta jooggood: waa Lionel Messi iyo Pep Guardiola, ama Mbappe iyo Klopp.

Dad badan ayaa qaba in ay tani caqli ka fooq tahay, balse saamaynta Brexit oo dhalinaya seddex xagal dhaqaale cusub oo ah Paris-Frankfurt-Milan ayaa xilka ka tuuraya London, waxaa dheer in Arnault oo ah hay’ad taajir ihi ay doonayso inay kubadda ka dhex muuqato mudnaan iyo magac ahaan dartood.

Dhowr mar oo hore ayay soo bexeen wararka Milan la xiriirinaya shirkaddan, balse Elliott ayaa qayb ahaan beenisey aragtidaas, ha yeeshee, doodda ma dhamaatada ah ee ay dowladda hoose ee Milano la daba joogto dhismaha garoonka cusub, miisaaniyadda kooxda oo casaan ah ilaa 146 milyan iyo iidhegda Emirarates oo dhacaya ayaa keenaya inay kooxda sii iibiyaan, sida lasoo weriyayna waxay Arnault kula heshiiyeen in wadahadalka aan la kashifin.

Wax kasta waxaa la sheegay in lasoo afjari doono dhamaadka sanadkan, iyadoo uu beri dhowayd sheegay Florentino Perez, MW Real Madrid, in Milan lagusoo daro koob cusub oo dhexmaraya kooxaha waawayn oo la bilaabayo 2021, taasoo muujinaysa inay kooxdu weli magac ahaan nooshahay, balse loo baahan yahay maalgelin iyo natiijo.

Hadalsame Media