Sweden oo Somalia u samaynaysa mug-dhisid dhanka raasumaalka dadeed ah (Heshiis muhim ah oo dhacay)

0

(Muqdisho) 03 Dis 2019 – Somalia ayaa markii ugu horreeysa helaysa tababar diblomaasiyadeed oo maxalli ah oo ay bixinayso hay’adda Swedish-ka ah ee Nabadda iyo Amaanka ee Folke Bernadotte Academy (FBA) kaddib markii ay labada dal sidaa isku afgarteen (MoU).

Waxaa heshiiska isfahamka ah (MoU) labada dal u kala saxiixay Wasiir Dibadeedka Somalia ee Ahmed Isse Awad iyo Danjiraha Sweden u fadhiya Muqdisho Staffan Tilander.

Diblomaasiyiinta lagu tababarayo Machadka Culuunta Diblomaasiyadda ee hoos taga WAD oo shalay laga furay Muqdisho ayaa waxaa casharro iyo tababarro ka bixin doona machadka FBA, kuwaasoo ku saabsan nabad dhisidda iyo khilaaf xallinta.

Maareeyaha Guud ee FBA Mr. Sven-Eric Söder ayaa gaar ahaan sheegay in isfahamkani uu u gogol xaarayo jaalnimo istaraatiji ah oo dhinacyo badan oo dhex mara labadan dal ee saaxiibka ah.

Tillaabadan ayaa muhim u ah mug dhisidda Somalia oo ay hay’aadkeedii ku burburay dalku dib u dhismayaan, balse ay u baahan yihiin raasumaal dadeed oo ku filan ku shaqayntooda.

Hadalsame Media