KHABAR SAN: Tallaalkii ugu horreeyay ee dawo u ah HIV-AIDS oo soo baxaya (Goorma?)

0

(San Francisco, CA) 03 Dis 2019 – Tallaal ka hor taga fayruska HIV oo ah midka sababa cudurka AIDS-ka, ayaa diyaar noqonaya sanadka 2021, sida ay qabaan culimada saynisku.

Tijaabada 3 tallaal oo kala nooc ah ayaa u dhow marxaladihii ugu dambeeyay, taasoo soo dedejisey inay ”rajo wanaagsan” muujiyaan culimada dawadu.

Natiijada tallaalkan – oo loo yaqaanno HVTN 702, Imbokodo iyo Mosaico – ayaa diyaar noqon doona sanadka 2021.

Dr Susan Buchbinder, maareeyaha mashruuca daraasaddaynta Bridge HIV ee San Francisco Department of Public Health, ayaa sheegtay inay aad u raja wayn yihiin markan.

Marka laga reebo inuu ka hor tago wuxuu sidoo kale dadka qaba HIV ka caawinayaa inuu dhiigga ka saaro xaddiga fayrus ee lagu arki karo waynaysada (viral load), taasoo ka dhigan in aanu ku gudbin karin xitaa galmada.

Yeelkeede, haatan dunida kama jirto wax dawo ah oo ka hortagta cudurkan marka laga reebo kaalmaati, iyadoo ay cudurkan la daalaa dhacayaan 37 milyan oo qof oo dunida ku firirsan.

Hadalsame Media

Facebook Comments