Yaa qaab daran GUULWADE QARAN iyo mid QABIIL?!!

0

(Hadalsame) 01 Dis 2019 – Bulshadu awal guulwade waxay u yaqaaneen oo kaliya qofka dawladda u sacabo tuma, saxa iyo qaladkeedana ku garabtaagan had iyo goor. Waxaa hadda soo badanaya noocyo cusub oo Guulwadayaasha ah.

Sifaha Guulwade waxaa laga soo minguuriyey habdhaqankii uu lahaa Midawgii Suufiyeeti oo dawlad kastuu xidhiidh la lahaa ku dhex beeray koox la magac baxday Guulwadayaasha.

Hadda waxaad arkaysaa mid xisbi ama qabiil u Guulwadaynaya, Guulwadaha dawladdana oo kaba sal balaadhan xaqiiqdii Xisbi iyo qabiil ku dhaleecaynaya waxaad tahay Guulwade xun oo dawladda u sacabo tuma.

Isma ogee isaga laftigiisu wuxuu u sacabo tumaa hadh iyo habeen Xisbiga ama reerkooda.

Haddii aad leedahay dano shakhsi oo kuu gaara naftuna kaa xoog badato, waxaad adigu damiir ahaan u rabina kugu hagayso naftaadu shaki kuma jiro inaad iyada u tahay Guulwade ay addoonsanayso.

Middan waa dhaqamada aadka isku soo taraya ee ku dhex faafaya dhallinyarada Soomaaliyeed.

Dameerkuba rarka wuu qaadaa isaguse malaha ee waa xamaali. Adna ha noqon sidaa Guulwadow.

Kalmad kooban oo aan ka jeediyey kulankii madasha ee shalay.

Hadalsame Media