Dayaacad fidinta Daily Nation & fudaydka Soomaali badan waa laba fashil! (Dacaayad kale oo uu qoray)

0

(Hadalsame) 01 Dis 2019 – Warbixin uu Daily Nation ku qoray Aggrey Mutambo ayaa cinwaan looga dhigay ”QM oo Abiy Ahmed ku eedaysay inuu qalalaase ka wado Somalia, South Sudan.”

Ma rabno inaan difaacno RW Abiy Ahmed haddii uu khalad galayna waayaha ayaa sheegi doona, yeelkeede, waxaan eegaynaa faya-qabka warbixinta, waayo marka horeba warbixintu waa mid uu isagu (Mutambo) qoray, balse ka duwan sida ay dadka qaar u fahmayaan oo ah inay tahay warbixin hadda kasoo baxday QM, wuxuuna qaab maldahan usoo xiganayaa warbixinno hore oo kala madax banaan.

Iinta ugu wayn ee ay warbixinta Daily Nation leedahay waa inuu soo qaadanayo doorashadii KG Somalia oo uu leeyahay waxaa faragelin ku samaysay Itoobiya, balse marna faragelin kuma eedaynayo dalkiisa Kenya oo mid waadax ah oo kun jeer ka qaawan midda KG ku samaysay Jubbaland.

Khaladka kale ee ka muuqda qoraalka Mutambo waa kelmad malaha u baahan eray bixin ka qurxoon oo uu ku leeyahay ”Siyaasiyiin ayaa DF Somalia ku eedeeyay inay faragelisey gobolladeeda”, taasoo aanu xaq u lahayn inuu sidaa uga hadlo maadaama aanay gobolladu ahayn dalal shisheeye ee ay ka tirsan yihiin dhulka ay xukunto DF Somalia, haddii ay khalad gashana uu dalku leeyahay qaab isla xisaabtan, sida Baarlaman iyo maxkamado.

Waxaa intaa dheer, in AMISOM ay Somalia-ba u joogto inay ku shaqayso amarka DF Somalia oo ah hay’adda dalka ka mas’uulka ah, sidaa darteed, aanay faragelin ahayn haddii ay Dowladda la shaqaynayaan, si ka duwan Kenya oo iskeed uga shaqaysanayso Somalia.

Dhanka kale, maadaama aanay jirin kulan ay waqti xaadirkan arrintan ka yeelatay iyo warbixin kasoo baxday toona, wuxuu aad ugu dheeraanayaa sheekooyin hore oo uu sheekadiisa ku macaanaynayo, balse aan kabaynin.

Daily Nation wuxuu koowaad ka galay saxaafadda Somalia dagaalka kula jirta ee Kenya, gaar ahaan mudadii burburka, taasoo uu beryahan aad usoo celiyay tan iyo markii ay Kenya bilowday sheegashada biyaha Somalia, isagoo 3-dii Oktoobar 2008-dii qoray warbixintii ugu nacasnimada badnayd, taa oo uu kusoo jeedinayo in ”ay Somalia kala qaybsadaan Kenya iyo Itoobiya” waana hay’adda warbaahineed ee qura ee arrintaa u bareerta abid, ha yeeshee, dad Soomaali ah oo moodaya inay qof gaar ah ku xumaynayaan ayaa aalaaba qaad qaada dacaayaadkiisa. Halkan ka akhriso.

Dad badani ma dareensana ujeedka hoose ee ka dambeeya tillaabooyinka uu qaadayo warqaadkan oo aysan ka marnayn istaraatijiyado qaran oo ka dhan ah Somalia, balse waxay ka eeganayaan natiijooyin gaaban oo markaa taagan.

Tifaftirka Hadalsame

Hadalsame Media