Kenya oo war cusub kasoo saartay waxa ay ka damacsan tahay Somalia

0

(Lanet) 30 Nof 2019 – Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa kasii mid ahaan doona howlgalka AMISOM, ilaa iyo inta ay ka xasilayso Somalia, sida uu sheegay MW Kenya ee Uhuru Kenyatta.

MW Kenyatta ayaa warkaan ka sheegay mar uu ka hadlayay munaasabad ay ku qalin jebiyeen dufcadda 7-aad ee dablayaasha ciidanka oo lagu qabtay Akamdiyaha Ciidamada ee Lanet, Nakuru County.

“Ciidamadeennu waxay qayb kasii ahaan doonaan AMISOM, inta laga fasaqayo halista ay xag-jirku ku hayaan dalkaasi,” ayuu yiri.

“Ciidamada Difaacu waa ka daacad howlgalladooda ay nabad waarta iyo horumar ugu raadinayaan Kenya iyo dersaanteeda.” ayuu daba dhigay.

Ciidamada KDF ayaa Somalia iskood u galay 2011-kii, iyagoo markii dambena ku biiray AMISOM oo horay uga koobnayd Uganda iyo Burundi, balse marnaba looma arkin kuwo nabad ilaalineed.

Hadalsame Media