COD LA HELAY: Muuse Biixi oo sidee ficilkiisa maanta u arkayay shalay markii uu mucaaradka ahaa?! (Dhegeyso)

0

(Hargaysa) 30 Nof 2019 – Madaxwaynaha Somaliland ee Muuse Biixi ayaa haatan ogolaaday dhismaha Komishin aanay axsaabtu raalli ka ahayn iyo inay muddada markale kororsadaan labada aqal oo ay qaarkood fadhiyaan rubuc qarni ku dhowaad iyagoo aan marna la dooran, balse kaliya ku darsanayay.

Yeelkeede, waxaa lasoo helay codka Muuse Biixi oo arrintan uu haatan samaynayo dhinaca kale ka taagan oo aad uga soo horjeeda xilligii uu mucaaradka Kulmiye ahaa.

Muuse oo hadlaya markii uu Madaxwaynaha ahaa Daahir Riyaale ayaa aad u diidaya in wareegto wax lagu maamulo, isagoo sidoo kale axsaabta u jeediyay inaysan waxba ka jirin oo aanay aqbalin warka kasoo baxay maamulkii xilligaasi.

Halkan hoose ka dhegeyso…

Hadalsame Media