Ma hadli karin, jirkiisana ma dhaqaajin karin marka laga reebo ISHA BIDIX, misna buug ayuu qoray!! (Ha quusane qooraanso)

0

(Hadalsame) 29 Nof 2019 – Mr. Jean Dominique Bauby wuxuu ahaa wariye iyo qoraa tifaftire ka ahaa wargeyska Elle ee ka soo baxa Faransiiska. Sanadkii 1995tii ayuu koommo galay, labaatan maalmooe kadibna ogaalka maskaxda ayaa u soo laabtay, balse jirkiisu ma caafimaadin oo koommadii waxay sababtay in uu baraleys noqdo. Ma hadli karin, jirkiisana ma dhaqdhaqaajin karin, ishiisa bidix kaliya ayaana ka nuuxnuuxsan kartay jirkiisa.

Jean Dominique oo xusuus fiican lahaa wuxuu ku fikiray in uu buug ka qoro noloshiisa inta uusan dhiman, wuxuuna allifay buug 148 bog ah. Maadaama uu jirkiisu naafo ahaa oo uusan hadli karin, wuxuu buuggan ku qoray isha bidix.

Gabar ayaa ka qoreysay, isaguna wuxuu u sheegayay waxa ay qoreyso. Mar kasta oo ay rabto in ay xaraf qorto waxay u aqrineysay xarfaha alifbeetada, kadibna markii ay mareyso xarafka uu rabo ayuu dhaqaajinayay isha bidix, sidaas ayayna ku fahmeysay kuna qoreysay. Maalin kaste waxay ka qori jirtay hal bog barkiis, oo ku qaadan jiray 4 ilaa 6 saacadood.

Bishii Maarso ee 1997dii ayaa la daabacay buuggaan oo uu ciwaan uga dhigay “The Diving Bell and the Butterfly: A Memoir of Life in Death” oo maanta ka mid ah buugaagta caalamka loogu iibsiga badan yahay, loona tarjumay luqado badan, wuxuuna geeriyooday labo maalin kadib markii buuggan la daabacay, 2008diina waxaa soo baxay filinka “The Diving Bell and the Butterfly” oo ka hadlayo noloshii Jean Dominique. “Adoo dhaxal reebi kara, ha noqan dhinte aan la tebin”! Abwaan Khaliif Faarax Xayir. “If there is a will, there is a way”!

Waxaa Diyaariyay: Xuseen Sabriye

Hadalsame Media

Facebook Comments