Ilhaan Cumar oo lagu eedeeyay inay ”BASAASAD” u tahay dowlado shisheeye! (Dacwad laga gudbiyay)

0

(Washington, DC) 29 Nof 2019 – Danielle Stella oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa soo jeedisey in la daldalo Ilhaan Cumar maadaama ay ku kacday ”khiyaano qaran oo ay siro u gudbisey dalka Iiraan”, taasoo keentay in gebi ahaanba la xannibo koontadeeda Twitter-ka.

Yeelkeede, hadalka Stella waxaa kasii horreeyay Alan Bender oo u dhashay dalka Kuwayt oo dacwad uu u gudbiyay Maxkamadda Florida bishii Oktoobar ku sheegay in Qadar ‘ay qoratay Ilhan Omar si ay siraha ugu gudbiso, iyadoo ka dhigatay sarkaal ka tirsan dalkaasi’ sida uu yiri.

Beder oo dacwadda ka gudbiyey walaalka Amiirka Qadar, wuxuu sheegay in ay Ilhaan qaadato mushaar kaash ah oo bille ah, taasoo ay Ilhaan ku tilmaantay wax lagu qoslo oo been abuur ah.

Kooxaha xag-jirka ah ee Maraykanka iyo guruubyada muxaafidka ah ayaa aad u raadiya waxyaabaha duraya sumcadda Ilhaan Cumar oo ah xildhibaanad ka tirsan Aqalka Koongarayska qaybtiisa Wakiillada oo ay ku metesho gobolka Minnesota.

Hadalsame Media