”Halla daldalo Ilhaan!” – Siyaasiyad ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga oo koontadeedii la kansalay kaddib…..

0

(Washington, DC) 29 Nof 2019 – Haweenay ka tirsan xisbiga Jamhuuriga una sharraxan boos ay kula hardamayso Ilhaan Cumar oo hadda Dimoqraadi ahaan ku fadhida kursiga Koongarayska ee Minnesota ayaa soo dirtay hanjabaad aan loo qaateen ahayn.

Danielle Stella, 31 jir, oo isku sheegta hooyo online ah iyo macallimad dhigta wax ay ku sheegtay waxbarashada gaarka ah ayaa soo jeedisey in la daldalo Ilhaan Cumar maadaama ay ku kacday ”khiyaano qaran” sida ay iyada la tahay.

Waxay Twitter kusoo qortay: ‘Haddii la caddeeyo @IlhanMN in ay Ilhaan xog xasaasi ah u gudbisey Iiraan, waa in la maxkamadeeyaa oo loo daldalaa khiyaano qaran#.’

Intaa kuma harine waxay soo gelisey retweet ay kusoo lifaaqday sheekadan hore ee maagista ah, iyadoo weliba middan kusoo dhejisey sawirka qof lasoo daldalayo.

Twitter ayaa xooray labadii tweet, isla markaana gebi ahaanba kansalay koontada Stellla gebi ahaanba.

Stella ayaa bishii Luulyo la xirey kaddib markii lagu helay inay agab ka xadday dukaanka Target.

Hadalsame Media