Wax ka ogow hannaanka Doorashada Metelaadda Saamigalka ah (Faa’iidada & khasaaraha ku jira?)

0

(Hadalsame) 28 Nof 2019 – Waa maxay hannaanka Metelaadda Saamigalka ah? (Proportional representation system)

Maalmahaan waxaan maqlaynnaa siyaasiyiin, mas’uuliyiin iyo aqoonyahanno ku celcelinaya “Proportional representation.” Ayaga oo dhahaya “waa nidaamka ugu fiican ee dalka doorasho qof iyo cod ah looga qaban karo.”

Haddaba, waa maxay Proportional representation?
Muxuu ugu duwan doorashada toos (Direct representation) ah taas oo ah tan hadda dalku si dadban ugu shaqeeyo?

Si aan si fiican ugu fahamno sida uu u shaqeeyo nidaamka proportional representation-ku waxaan marka hore faahfaahin yar ka bixinaynnaa nidaamka matalaadda tooska (direct represention) ee hadda dalki sida aan tooska (indirect) ahayn ugu shaqeeyo. Si ay noogu fududaato waxaan tusaale ahaan u adeegsanaynnaa magacyada xisbiyada HIMILO QARAN, N&N, iyo WADAJIR. Sidoo kale waxaan adeegsanaynnaa Galmudug, Gaalkacyo, iyo degmada Hodan, Muqdisho.

Nidaamka hadda dalkeennu ku shaqeeyo (si dadbdan) ama se ugu shaqayn lahaa haddii la hirgalin lahaa waxaa la yiraahdaa matalaadda tooska ah; shacabka ayaa si toos ah u soo doorto xubinta Baarlamaanka ku matalaysa.

Tusaale ahaan, dalalka nidaamkaan ku dhaqma dalka waxa ay u qaybiyaan DEGMO DOORASHOOYIN (electoral districts) ku jaango’an tirada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka oo asna lagu jaangooyay tirada dadwaynaha dalka, TIRAKOOB DADWAYNE (Census) kaddib.

Tusaale, haddii tirada aqalka hoose ee Baarlamaanku tahay 275 xubnood dalka waxaa loo qaybiyaa 275 DEGMO DOORASHO, degmo doorasho walba xal xildhibaan ayaa laga soo doortaa. Qofka xildhibaanka u tartamayaa waxa uu ka imaan karaa XISBI ama waxa uu ahaan karaa qof iskiis isku wada oo madax bannaan. Sidaas darteed dadka degmo doorashadu waxa ay dooran karaan qofka xisbiga ka socda ama midka madaxa bannaan.

Tusaale, degmo doorashada HODAN waxaa u tartami kara Cali oo MIDNIMO QARAN ka socda, Faarax oo N&N ka socda ama Cismaan oo madax bannaan. Markaas waxaa guushu raacaysaa qofka ugu codadka badan. Tusaale: Cali waxaa u helay 8,900 oo cod, Faarax 7,670 cod, igo Cismaan oo helay 9,560 cod. Markaas Cismaan ayaa guulaystay.

FIIRO GAAR AH: qasab ma ahan in DEGMO DOORASHADU ay lahaato GUDDOOMIYE DEGMO iyo xarun degmo oo maamul ku shaqeeyo, waayo waa kala duwanaan karaan degmo doorashada (electoral district) iyo degmo maamulka (admistrative district). Tusaale: Degmada Hodan, Muqdisho waxaa yeelan kartaa 3 degmo doorasho oo markaas waxa ay Baarlamaanka Federaalka ku yeelan kartaa 3 xildhibaan, waayo dadkeeda oo badan darteed.

Sidoo kale dhawr degmo maamul ayaa hal degmo doorasho isky noqon kara, dadkooda oo yar darteed. Si taas la mid ah waxaa ayana kala duwanaan kara degmo doorashada ee Maamul Goboleed iyo tan heer Federaal. Sideedaba nidaamka federaalka, maamulka degmaayadu waa hawl maamul goboleedku ku shaqo leeyahay.

Intaas marka ay dhacdo oo doorashadu qaabkaas ku dhacdo ayaa waxaa XUKUUMADDA soo dhisaya xisbiga hela AQLABIYADDA (50%+1) aqalka hoose. Tusaale: haddii N&N ay helaan 138 xubnood ayaga ayaa na Xukuumadda soo dhisaya, hoggaamiyahooduna waxa uu noqonayaa Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda. Hagaag, aan ka gudubno.

Metelaadda Saamigalka ah (Proportional representation)

Haddana aan eegno sida uu u shaqeeyo Proportional representation-ku.

Proportional representation-ku waa nidaam xubnaha Baarlamaanka lagu doorto qaab dadban oo halkii dadweynaha degmo doorasho waxaa kala dooranayeen dad kala duwan oo kala socda xisbiyo kala duwan iyo kuwa madax bannaan, kan (Proportional representation) dadku waxa ay kala dooranayaan xisbiyada. Sida: HIMILO QARAN, N&N, iyo WADAJIR. Marka la tiriyo dhammaan codad laga dhiibtay dalka oo dhan, xisbi walbaa waxa uu xubnaha Baarlamaanka ka helayaa boqolley (%) u dhigan codad uu helay.

Tusaale, haddii codad la dhiibtay ahaayeen 10,000,000 (toban milyan) oo cod xisbiyaduna u kala helaan sidaan: N&N 6,000,000, WADAJIR, 2,000,000, HIMILO QARAN 2,000,000, macnuhu waa in N&N heshay 60% codadkii la dhiibtay. Sidaas darteed N&N waxa ay helayaan 60% xubnaha Baarlamaanka ee tiradoodu tahay 275, taas oo u dhiganta 165 xubnood. Sidaas awgeed N&N waxa ay keensanayaan 165 qofood oo Baarlamaanka ka mid noqonaya. Ayaga ayaana Xukuumadda soo dhisaya.

Sidee xisbiyadu ku soo xulanayaan dadka ay Baarlamaanka u soo xulanayaan?
Xisbi walba waxa uu Guddiga Doorashooyinka u soo gudbinayaa liiska 275 ta qof ee ay rabaan in ay Baarlamaanka ka mid noqdaan. Haddii xisbigu helo dhammaan codadka la dhiibtay, 275 qof dhammaantood waxa ay ka mid noqonayaan Baarlamaanka, haddii uu xisbiga helo 60% codadka oo macneheedu yahay in 165 qof kaliya ay Baarlamaanka ku darsan karaan, waxa ay Baarlamaanka ku dirayaan 165 qof ee ugu horreysa liiska ay Guddiga Doorashooyinka u gudbiyeen.

Waxaa jirta 2 hab oo kale oo nidaamkaani u shaqeeyo. 1. Halka markii hore xisbigu gudbniya dhammaan 275 oo dalka oo dhan matalaysa, hoose ayaa loo sii daadajin karaa. 2 hab oo kala hooseeyaa ayaa loo daadajiyaa. 1. Maamul Goboleed walba xubno liis xiran ah oo qoondeeyo. Tusaale: Galmudug waxaa Baarlamaanka ka soo galaysa 46 xubnood. Sidaas darteed xisbi walba oo uu Galmudug ka helayaa xubno u dhigma tirada boqolleyda codadka uu Galmudug ka helay. Tusaale. Haddii codadka Galmudug laga dhiibtay ahaayeen 2,000,0000 (labo milyan) oo codad, N&N na ay heleen 1,000,000 oo codad, waxa ay helayaan 23 xubnood oo Baarlamaanka ka mid noqonaya.
Habka labaad waa in Galmudug loo qaybiyo dhawr degmo doorasho. Tusaale: waxaa loo qaybiyay 3 degmo doorasho, waxaa degmo doorasho walba ka imaanaya 15 xubnood, haddii xisbiyada codadka u kala helaan sida kor ku sheegnay oo degmo doorasho walba, N&N waxa ay degmo walba ka helayaan in ku dhow 8 xubnood, Galmudug oo dhanna 24 xubnood.

Kala duwanaanta

Nidaanka hore sida aan soo aragnayba dadweynaha ayaa si toos u soo dooranaya xubnaha Baarlamaanka. Halka mid dambe (Proportional representation) dadku xisbiyada un bay kala dooranayaan ee wax saamayn ah ama awood ku ma leh dadka Baarlamaanka galaya.

Iimaha nidaamka Metelaadda Saamigalka? (Proportional representation)

Nidaamkani waa mid aad u xaddidaya awoodda shacabka. Waa nidaamka ay ku dhaqmayaan dalalka aan weli u bislaan hannaanka TALA-WADAAGGA. Sidoo kale waxa uu dabrayaa awoodda xubnaha Baarlamaanka maadaama aan shacabku si toos ah u soo doorayan oo xisbi keenay, mar walba xubinta Baarlamaanka awooddeedu waa yar tahay.

Waa nidaam dhib badan oo dadweynuhu aysan si sahlan ku fahmi karin qaabka uu u shaqeeyo.

Tan ugu daran ee nidaamkaan Proportional representation-ku waa in aysan dalkeenna ka jirin xisbiyo siyaasadeed oo qaagaar ah kuwaas oo si dimoqraaddi ah ku soo xuli kara dadka Baarlamaanka ka mid noqonaya. Bal qiyaas haddii maanta nidaankaan la yiraahdo dalka doorasho ha looga qabto, sidee bay xisbiyada hadda jiraa xubnaha ku soo xulayaan? Waxaan oganahay in xisbiyada hadda jiraan u qaab egyihihiin maqaayad ama duwaan uu qofka xisbiga hoggaanka u ahi leeyahay, qofkii doono ku daro kii doonana ka saaro. Taasi macneheedu waa liiska xubnaha uu qofka hoggaanka ahi gacantiisa ku soo qortay ee aysan ahayn kuwa nidaam xisbi lagu soo xulay.

Faa’idooyinka nidaamka Metelaadda Saamigalka? (Proportional representation)

Faa’idada kaliya ee hadda iiga muuqataa nidaamkaani waa in uu meesha ka saarayo caqabadda samaynta degmo doorashada (electoral district) taas oo dadkeennu ay si qaldan u fahmeen. Oo markii la dhaho degmo ayaa la samaynayaa reer walba ama qabiil walba waxaa uu rabaa in degmo loo sameeyo. Waxa kale oo uu meesha ka saarayaa degmooyinka qabiillada hadda sheegtaan maadaama aan loo baahanayn in degmo walba doorasho laga qabto ee kaliya dadku xisbiyo u kala codaynayaan.

Fiiro gaar ah: Fadlan qoraalkaani ku ma saabsana dalka doorasho ma ka dhici kartaa mise ka ma dhici karto?

Waxaa Diyaariyay: Cali M Diini

Hadalsame Media