Taalladii Zlatan oo ay taageerayaal caraysani dab qabadsiiyeen (Sababta?)

0

(Malmö) 28 Nof 2019 – Akhbaartii inuu Zlatan Ibrahimovic ka mid noqday mulkiileyaasha naadiga kubbadda cagta Hammarby ayaa dhalisay dareen aad u wayn.

Iyadoo fiidnimadii Arbacadii shalay la waxyeeleeyey taalladii Zlatan ee tiilley barxadda hore ee garoonka Malmö.

Saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka ayaa tagey goobta taalladu ku tiiley, kadib markii loogu qaylo dhaan direy iney goobta ku sugnaayeen dad maaskaraato xiran oo sita bulaleeyryo ey ku wax yeeleeyeen taallada, sidoo kale waxaa taalada lagu qorey far waaweyn oo ereyo faqooq ah.

”Dhambaallo telefoonno ayaa na soo gaarey oo sheegeya inay dhowr qof ey wax yeeleeyeen taallada garoonka hortiisa taala. Gaari ayaannu u dirney si aannu agagaarka nawaaxigaa uga doon doonno, hase yeeshee lama eynaan kulmin, sida uu laanta ciyaaraha ee Radiosporten u sheegay Jimmy Modin, ahna af hayeenka ciidanka ammaanka ee nawaaxiga koonfurta, sida ay sheegtay Idaacadda Sweden.

Hadalsame Media