Somalia oo la siinayo gaadiid ciidan oo casri ah + Sawirro (Goorta lasoo daabulayo)

0

(Muqdisho) 28 Nof 2019 – Sharikadda farsamaysa agabka millateriga ee Navistar Defence ayaa lagu abaal mariyay qandaraas ku kacaya $26 milyan oo doollar, kaasoo ay Ciidamada Xoogga Dalka Somalia ku siinayso gaadiidka xamuulka ah ee xajmigoodu yahay 6×6 iyo noocyada kale.

Ciidamada Xoogga ayaa gaadiidkan heli doona dhamaadka 2022, sida ay ku dhawaaqday Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka.

Navistar ayaa Somalia siinaysa gaadiid ku kacaya $26 748 087 oo doollar, waxaana Somalia la siinayaa gaadiidka Medium Tactical Vehicle Variants — oo uu cabbirkiisu yahay 6×6 oo ah kuwa xamuulka ah iyo 6×6 Wrecker Vehicle Recovery Truck oo ah kuwa qaraxyada u gigsada, iyo kabkooda.

Waxaa qalabkaa Xoogga Dalka loo dhamaystirayaa 25-ka Nofeembar 2022.

Navistar oo ah shirkad Maraykan ah, ayaa sheegtay in gaadiidka xamuulka ee 7000-MV General Transport Truck (GTT) oo askarta qaada, sidoo kale loo rogi karo mid gaashaaman. Wuxuu 7000-MV GTT qaadi karaa 13 tan iyo hub tiiradiisu tahay 12.7 mm. Wuxuu kaloo leeyahay korsayeeri furmaya oo qaadi kara ilaa 20 askari iyo konteennarro.

Gaadiidka GTT ayaa iskugu jira kuwa gaashaaman, miino baar, mid miinada u gigsada haddii qarax qabsado, booyado biyo iyo kuwo shidaalka qaada, qallaabiyaal, jiidayaal riixi kara ilaa 36 tan, wiishash, kuwa qashinka qaada iwm.

Midka miinada u gigsada ee Wrecker ayaa waxaa ku rakiban agabka Baalistigga, miinooyinka iyo qaraxyada macmalka ah (AED) dhowra, isagoo leh khan sidii V u samaysan oo shub adag ah, waxaana gadaal uga xiran wiish uu wax ku jiido.

Maraykanka oo Ciidamada SNA ka goostay kaalmo ciidan oo uu siin jirey sida cunto iyo shidaal bishii Diseembar 2017-kii kaddib markii wax la is dhaafdhaafiyey, ayaa dib u bilaabay bishii Luulyo ee sanadkan, waloow ay intii hore ka yar tahay.

Wuxuu Maraykanku qirtaa inay Somalia ka joogaan ilaa 500 oo tababare ay ciidamadiisu joogaan tan iyo 2006-dii. Waxaa kaloo socda qorshe lagu casriyaynayo isgaarsiinta saldhigyada Camp Lamounier oo Jabuuti ah iyo Balli-Doogle oo Somalia ah, iyadoo xitaa la sheegay inuu doonayo inuu dhiso jid si toos ah iskugu xira labada xero.

Balli-Doogle ayaa sidoo kale lagu diyaariyaa Ciidamada Gaarka ah ee Somalia, gaar ahaan kuwa Komaandoosta ah.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media