”Somalia kama dhici karto doorasho qof & cod ah!” – Guddigii loo saaray oo sababta ka warbixiyey

0

(Muqdisho) 28 Nof 2019 – Guddigii loo xilsaaray Arrimaha soo Turxaanbixinta Shuruucda Doorashooyinka ee la kulmay dhamaan qaybaha kala duwan ee dalka, sida Maamul-goboleedyada, Ururada Bulshada Rayidka ah, Wakiillo ka socda Axsaabta, Haweenka Baarlamanka ku jira, hay’adaha daraasaadka, Dalladaha Waxbarashada, Jaamacadaha dalka iwm waxay sheegeen inaysan xilligan dalka ka qabsoomi karin doorasho qof iyo cod ah, waqtiga oo kooban iyo arrimo kale dartood.

Guddigan oo la magacaabay 20-kii Luulyo 2019, ayaa sheegay inay 63 kulan oo kala duwan la yeesheen saamileeyda siyaasadda, iyadoo 31 kulan Muqdisho lagu qabtay, 20 maamulladu martigeliyeen, halka 12 kale lagu qabtay dalka Jabuuti.

Guddiga ayaa markii ay kulamadan soo dhameeyeen oo ay aaraadooda dhegeysteen waxay soo saareen 7 qodob, iyagoo uu qodobka 7-aad oo ay kasii baxayaan qaybo kale ay yihiin sababta ugu wayn ee aanay doorasho qof iyo cod ihi u qabsoomi karin, waxay sababuhu kala yihiin:

a. Dhameystirka Dastuurka
b. Midnimadda dhammaan dalka oo idil
c. Diyaarinta Sharciga Jinsiyadaha
d. Muwaadiniinta Soomaaliyeed tirakoob rasmi ah loo sameeyo
e. Sugidda xuduudaha degmooyinka iyo gobollada dalka

Waxay kaloo sheegeen in ay maamulladu diideen in la qabto watqi xaadirkan doorasho qof iyo cod ah, iyagoo taa u sababeeyay inay ku lumayso qaabkii awood qaybsiga beelaha ama 4.5.

Hadalsame Media