”Marka aad dhimato waa ogtahay inaad dhimatay!!” – Dadka dhinta oo la sheegay inay maskaxdoodu sii shaqayso

0

(Hadalsame) 28 Nof 2019 – Marka uu qofku dhinto wuu ogyahay inuu dhintay maxaa yeelay maskaxdiisu way sii shaqaynaysaa taasoo qofka u sahlaysa inuu ogaado waxa hareerihiisa ka dhacaya, sida ku cad daraasad cusub.

Culimada caafimaadka ayaa muddo dheer ka doodaysey waxa dhaca marka uu qofku dhinto, balse waloow aysan taa wax badan ka ogayn xitaa kaddib samaynta filimka Flatliners (2017), waxay haatan sheegeen in marka uu qofku dhinto uu dhimirka qofku shaqaynayo xitaa kaddib marka uu wadnuhu dhinto oo garaacista daayo, jirkuna howlgabo.

Waxay tusaale usoo qaadanayaan in marka uu qofku sidii wax dhinsan yahay xilliyada uu Wadnuhu si KMG ah u istaago (Cardiac arrest), ay dadka ka badbaada ay ka sheekeeyaan inay ogyihiin oo ay si sax ah uga sheekeeyaan wixii agagaarkooda ka dhacayay markii ay iska yaalleen.

Yeelkeede, waxay sheegeen in xitaa shaqada maskaxdu ay sii jireyso muddo gaaban, waxay sheegeen in uu qofku xitaa maqlayo marka ay dhakhaatiirta ama dadka kale ee ag joogaa ay sheegayaan inuu ”qofkaasi dhintay.”

Dr Sam Parnia oo daraasadeeya dhimirka qofka kaddib geerida iyo khubaro kale oo Yurub iyo Maraykanka ku sugan ayaa LiveScience u sheegay jiritaanka arrintan.

Diinteenna Islaamka ayaa sheegaysa in qofka markii qabriga la geliyo uu maqlayo dadka la socda janaasadiisa, welibana uu jeclaan lahaa inay cabbaar lasii joogaan.

Hadalsame Media