Kenya oo ururinaysa mucaaradka Somalia & Imaaraadka oo taageeraya (Ma heshiiskii ayay ka baxday?)

0

(Nairobi) 28 Nof 2019 – Siyaasiga Faarax Macallin oo aad uga hadla arrimaha gobolka, gaar ahaan kuwa Soomaalida khuseeya ayaa soo bandhigay sheeko cusub.

Faarax Macallin ayaa boggiisa Twitter kusoo qoray warar beryahanba la isla dhex marayey oo sheegaya in ay Kenya shirinayso siyaasiyiin iyo ururro kala geddisan oo dano kala duwani ka dhexeeyaan.

Wuxuu soo qoray: ”Waxaa jira jamcin xooggan oo lagu samaynayo isbahaysi ka kooban  TPLF, ONLF, Madobe-ha JL & Mucaaradka Somalia oo hadda ka soconaya Nairobi.”

”Waa ifafaale ku cusub siyaasadda Gobolka Geeska Afrika (GGA). Shaki la’aan Dowladda Kenya ayaa arrintan gadaal ka taagan, wax kastoo ku dhacayba salaantii Uhuru/Farmaajo handshake. Hmmm!!” ayuu daba dhigay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inay Nairobi iskugu imanayaan siyaasiyiin uu maalgelinayo Imaaraadku, kaasoo ay ujeedkiisa ugu wayn tahay inuu carqaladeeyo dowlad dhiska Somalia, si uusan dalku u yeelanin dowlad xooggan oo danihiisa ilaalisa.

Imaaraadka ayaa doonaya inuu la camirto siyaasi kasta oo arrintaa fulinaya, iyadoo ay tillaabada 1-aad tahay in dalka laga eryo Turkiga oo ah saaxiibka qura ee istataarijiga ah ee ay Somalia iminka leedahay, kaasoo aanu Imaaraadku abidkii booskiisa buuxin karin, inuu buuxiyana uusan xitaa doonayn.


Hadalsame Media